Muqdisho: Jaamacado shaqada ka ceyriyey macalimiin ka tirsan urur diimedka cusub

Muqdisho: Jaamacado shaqada ka ceyriyey macalimiin ka tirsan urur diimedka cusub

daajis.com:- Maamulka sare ee jamacadda Jazeera ayaa waxa uu sheegay inuu shaqada ka joojiyay ilaa iyo 3 macallin oo kamid ah macallimiinta wax ka dhigayay jaamacaddaasi, kadib markii ay sheegeen inay ka tirsanyihiin urur diimeedka Al-Saadicuun Bil Xaq ee dhawaan looga dhawaaqay magalada Muqdisho.

Hadal qoraal ah oo kasoo baxay maamulka Jaamacadda ayaa lagu sheegay in gabi ahaanba shaqada ay ka joojiyeen sadexda macallin, iyagoo ilaalinaya karamada iyo Sharaft umadda Somliyeed oo dad muslimiin ah.

Maamulka Jaamacadda ayaa xusay in sadexda macallin ee ay shaqada ka joojiyeen ay si cad u cadeeysteen inay xubno kayihiin Urur diimeedka Al-Saadicuun Bil Xaq ee dhawaan kasoo shac baxay Somalia.

Tallaabadaan aya noqoneeysa tii ugu horeeysay oo nooceeda oo looga jawabayo digniino dhawaan kasoo baxay culumaa’u diinka Somaliyeed oo ku aadanaa in laga fogaado lagana hortago halista Ururka Al-Saadicuun Bil Xaq oo ay ku sheegeen inuu yahay Urur Takfiir ah oo dadka Muslimiinta ah gaaleeysiiya.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada