Dhegayso: Shaqaale Caafimaad oo lagu Af-duubtay Gobalka Gedo (Warbixin)

Dhegayso: Shaqaale Caafimaad oo lagu Af-duubtay Gobalka Gedo (Warbixin)

daajis.com:- Wararka ka imaanaya degmada Luuq ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya Shaqaale caafimaad oo ka shaqeynayay Talaalka lagu afduubtay meel 15KM u jira Luuq.

Taliyaha Saldhiga degmada Luuq Diyaad Cabdi Kaliil ayaa ku eedeeyay afduubkan inay ka dambeeyeen Al-Shabaab, isagoo sheegay in dadkan aysan aheyn shaqaale toos ah, balse ay ahaayeen dad nolol maalmeedkooda ka raadsanayay shaqo ay qabtaan Dadkan.

Waxaa uu sheegay in qaab joornaati maalinle ah ugu shaqeynayay Hey’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO, balse aanay aheyn shaqaale rasmi ah.


Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in shaqaalahan lala aaday deegaanada ay ka taliyaan Al-Shabaab, waxaa uu tilmaamay inay ahaayeen dhamaantood Soomaali.

Dadka la afduubtay oo aan tiradooda la sheegin ayaa muddo shan maalmood oo joornaati ugu shaqeynayay Hey’adda WHO.
Al-Shabaab ayaa deegaanada ay ka taliyaan ka mamnuucay hey’adaha sama falka, sida kuwa gargaarka iyo caafimaadka, waxaana horay u diideen howlaha Talaalka Polio-yada oo ay sheegeen inuu yahay qorshe reer galbeedka ku ciribtirayaan taranka dadka soomaaliyeed.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada