Gadoomiye Jawaari oo ku dhawaaqay xilliga mooshinka Heshiiska Berbera loo qeybin doono Xildhibaanada

Gadoomiye Jawaari oo ku dhawaaqay xilliga mooshinka Heshiiska Berbera loo qeybin doono Xildhibaanada

daajis.com:- Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sh. Cismaan jawaari ayaa ku dhawaaqay xilliga rasmiga ah ee Baarlamaanka la horgeyn doono ama loo qeybin doono mooshinka ka dhanka ah heshiiska Berbera.

Xildhibaanada ayaa ka doodi doona Mooshinka ku saabsan Saldhigga Militari ee uu Imaaraadku doonayo inuu ka dhisto Magaalada Berbera ee maamulka Soomaaliland , oo uu Imaaraadku doonayo inuu sida ugu dhaqsiyaha badan u hirgaliyo, waxaana halkaas la geyn doonaa ku dhawaad 300 oo askari.

Sida aan idinla wadaagnay  maanta  waxaa Berbera tagi doona wafdi ka socda Imaaraadka kuwaas oo doonaya inay soo indha indheeyaan goobaha loo asteeyay inay saldhig ciidan ka sameystaan, iyagoona Sawirro kasoo qaadan doona , sidoo kalana waxaa la filayaa inay halkaas kula hadlaan saxaafadda.

Dowladda cusub ee Farmajo hoggaaminayo ayaa wado ololo ballaaran oo looga hortagayo fullinta heshiiska Somaliland ay ka gashay Imaaraadka Carabta si ay Berbera uga dhisato saldhig Militari oo laga duqeyn rabo Xuutiyiinta Yeman.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan dowladda Sacuudiga kala hadashay sidii ay u dhex dhexaadin laheyd Imaaraadka iyo Soomaaliya, waxayna ugu dambeyn Imaaraadka ka biyo diiday in la wadahadlo.
Xuutiyiinta Yeman ayaa ku hanjabay inay iyaga soo duqeyn doonaa Berbera haddii ay Imaaraadka halkaas saldhig ka furato, sidoo kalana waxay sheegeyn inay dhibaato ka geysan doonaan Soomaliya haddii aan hadda laga fiirsan saldhigaas.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 11:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada