Farmaajo oo sheegay arrin Muqdisho ku Saabsan oo Wax kasta uga muhiimsan !

Farmaajo oo sheegay arrin Muqdisho ku Saabsan oo Wax kasta uga muhiimsan !

daajis.com:- Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka dhawaajiyay in qorshaha ugu horreeya ee Shacabka Soomaaliyeed ay uga fadhiyana Dowladdiisa ay tahay Xasilinta Dalka gaar ahaan sugida Ammaanka Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Shacabka Soomaaliyeed aysan kalsooni ka heli karin dowlada Federaalka ah ee Somalia, iyadoo aan Amniga lagu baahin dalka, waxa uuna carab dhabay in Shacabka ay dowlada ka sugayaan Amni iyo xasilooni ka dhalaya Somalia, gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in ahmiyada koowaad ay siin doonaan amniga magaalada Muqdisho, waxa uuna shaaciyay in amniga ay doonayaan uu noqon doono mid ku baaha dhammaan dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho, ee caasimada Somalia.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu tilmaamay in si looga dhabeeyo qorshahaasi uu howlgalinayo dhammaan Taliyayaasha iyo Saraakiishi Hay’adaha amaanka ee gacanta ka geystay in Al­shabaab laga xoreeyo Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale, hoosta ka xariiqay in marka ay ku guuleystaan Sugida Ammaanka Muqdisho ay u sii gudbi doonaan Gobollada kale ee Dalka, waxaana uu shaaca ka qaaday in qorshayaashaasi ay kala kaashan doonaan Shacabka.

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa shaki galiyay in Ciidamada Amniga ay wax ka qaban waayan amni darida ka jirta dalka, waxa uuna bidhaamiyay in muddo kooban ay ku sugi doonaan amniga magaalada Muqdisho.

Hadalka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya iyadoo beryihii dambe ay sii kordhayeen Qaraxyada iyo Dilalka qorsheysan ee ka dhaca Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:53 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada