Madaxweynaha Dalka Masar oo Xaalad Deg-Deg ah Geliyay Dalkiisa, Weerarkii Kaniisadda Kadib (VIDEO)

Madaxweynaha Dalka Masar oo Xaalad Deg-Deg ah Geliyay Dalkiisa, Weerarkii Kaniisadda Kadib (VIDEO)

daajis.com:- Madaxweynaha dalka Masar, Cabdulfataax Al-Sisi ayaa xaalad degdeg ah ku soo rogay dalkiisa, kadib markii niman isi soo miidaamiyay shalay ay isku qarxiyeen labo kaniisadood oo ku kala yaala magaalooyinka waaweyn ee dsalkaasi.

Talaabadan ayaa ka dambeysay kadib weerarradii ismiidaaminta ahaa ee lagu laayay dad ka badan 45 qof, iyadoo halkaasina ay ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan.

Madaxweyne Al-Sisi ayaa horay u amray in ciidanka milateriga dalka Masar inuu howlgalo ka sameeyo guud ahaan dalkaasi oo dhan si ay wax uga qabtaan kooxaha argagixisada ah.

Kooxda Daacish ayaa sheegatay iney fulisay weerarradaasi ka dhacay kaniisadaha ku yaalla magaalooyinka Dandaa iyo Alexandria.

Masiixiyiinta laga tirada badan yahay ee dalka Masar ayaa waxaa horay loola beegsaday weerarro noocan ah, iyadoo weerarradan lagu soo beegay xilli Masiixiyiinta ay xusaan markii nebi Ciise CS uu galay magaalada Qudus.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada