Madaxweyne Farmaajo oo Dhawaan Booqan Doona Magaalada Addis Abeba ee Dalka Itoobiya

Madaxweyne Farmaajo oo Dhawaan Booqan Doona Magaalada Addis Abeba ee Dalka Itoobiya

daajis.com:-Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka ee Soomaaliya mudane, Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa dhawaan markii ugu horeysay booqan doona magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, kadib markii uu casuumaad rasmi ah ka helay ra’isul wasaare dalkaasi ee Hailemariam Desalegn.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa inuu maalinta Arbacada ah u dhoofo magaalada Addis Ababa, booqashadan ayaa la filayaa inay qaadan doonto mudo laba Cisho ah.


Labada masuul ayaa ka wada hadli doona xiriirka labada dal Iyadoo Itoobiya oo ka mid ah dalalka ay ciidamada ka joogaan gudaha Soomaaliya, Wakaalada wararka ee dalka Turkiga oo soo xiganaysa ilo ku dhow madaxweynaha ayaa sheegtay in safarka madaxweyne Farmaajo uu qeyb ka yahay horumarinta xiriirka dalalka deriska.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:16 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada