MUUQAAL: Qaybtii 1-aad ee Ciidamada Qaranka oo Tababar Loogu soo Xidhay Kismaayo iyo A. Madoobe oo Sharaxay

MUUQAAL: Qaybtii 1-aad ee Ciidamada Qaranka oo Tababar Loogu soo Xidhay Kismaayo iyo A. Madoobe oo Sharaxay

daajis.com:-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Axmed Maxamed Islaam ayaa tababar usoo xidhay Ciidamo katirsan Xooga Dalka qaybta 43 ee Magaalada Kismaayo, waxaana ka qayb galay Munaasibada Wasiiru Dowlaha Wasaarada Difaaca Soomaaliya iyo Sarakiil ka socotay Dowlada Federaalka ah iyo Hawlgalka AMISOM.


Ciidamadan oo noqonaya dufcadii ugu horaysay ee ka qalin jabisa Qaybta 43 ee Ciidamada Xooga Dalka ayaa waxaa ay Gaado ka Ciyaar kusoo bandhigeen Madaxda hortooda iyagoo soo bandhigay hababkii loo tababaray iyo Casharadii ay barteen.

Ciidamadan ayaa ka kooban qaybta kumaandooska iyo Ciidamada Lugta waxaana ay mudo ku tababaranayeen Magaalada Kismaayo, Wuxuuna Madaxwaynaha Jubbaland sheegay in wax lagu farxo ay tahay in ay manta qalin jabinayaan dufcadii ugu horaysay ee Ciidamada Qaranka oo isku dhaf ah islamarkaana ka Kooban dhamaan Beelaha Soomaalida.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:05 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada