Qaramada Midoobay oo go’aan cad kasoo saartay wareejinta Hawada Soomaaliya

Qaramada Midoobay oo go’aan cad kasoo saartay wareejinta Hawada Soomaaliya

daajis.com:- Dr. Olumuyiwa Benard Aliu oo ah  Madaxweynaha hay’adda QM u qaabilsan duulista hawada ee marka la soo gaabiyo loo yaqaano ICAO ayaa war cad kasoo saaray arrinta ku aadin wareejinta maamulka hawada Soomaaliyeed.

Dr. Olumuyiwa ayaa ku tilmaamay wararka sheegayo in la wareejin doono hawada Soomaaliya mid been abuur ah, wuxuuna wax lala yaabay ku tilmaamay in wadan dhan oo jiro la yiraahdo hawadiisa ayaa lagu wareejinayaa wadamada Dariska ah.

Dr. Aliu  oo Saxaafadda kula hadlay magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta halkaas uu kaga qayb-galayey shir looga hadlayey “Cyber Security in Aviation”  ayaa sheegay in uu la yaabay wararka sheegaya warjeeninta hawada dalka Soomaaliyeed oo ah wadan leh dowlad iyo shacabka isku xiean

“Waxaan idiin caddeynayaa in hawada Soomaaliya aanan la wareejin karin, maamulkeedana ay mar waliba u madax bannaantahay  dalka Soomaaliya” ayuu yiri Dr. Aliu, wuxuuna hadalkaas meesha ka saaray wararkii dhawaan soo baxay ee sheegayey in wadamada Itobiya, Kenya, India iyo Seychelles lagu wareejinayo maamulka hawada Soomaaliya.

“Waxaan waraaq aan ku faahfaahinayo xaaladda hawada dalka Soomaaliya u diray madaxweynaha dalka Soomaaliya Madaxweyne Farmaajo, dowladda Soomaaliyana way ka warqabtaa in hawada Soomaaliya aan la wareejinkarin”  ayuu yiri.

Hadalka kasoo yeeray Qaramada Midoobay ayaa ah mid farxad weyn u noqon doono dowladda iyo shacabka Soomaaliya, maadaama hawada ay kamid tahay meelaha ugu muhiimsan dalka, aysana macquul aheyn in dal kale lagu wareejiyo.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada