Muhaajiriinta Afrikaanka ah waxaa lagu 'iibiyaa suuqyada addoonsiga'

Muhaajiriinta Afrikaanka ah waxaa lagu 'iibiyaa suuqyada addoonsiga'

daajis.com:-  Muhaajiriinta waxau u badan yihiin kuwa ka yimid qaaradda Afrika Wararka laga helayo dalka Liibiya ayaa sheegaya in muhaajiriin Afrikaan ah lagu kala iibsanayo wax lagu tilmaamay suuqyada addoonsiga oo casri ah.

Hay'adda socdaalka caalamiga ah ee IOM oo la hadashay qaar ka mid ah dadkii la iibsaday ayaa sheegtay in shabakad ka kooban kooxo hubeysan iyo mukhalisiin ay ay dadkani geeyaan suuqyo muhaajiriinta lagu iibiyo.

Muhaajiriinta xirfadaha leh ayaa la sheegay in lagu kala iibsado lacaga badan, sida uu BBC-da u sheegay madaxa hay'adda IOM.

Dadkani waxay sheegeen in xoog loo haystey laguna khasbay inay shaqeeyaan. Dadka qaarkood ayaa lagu khasbay in ay wacaan eheladoodii si ay lacag u soo diraan.

IOM waxay sidoo kale sheegtay in dadka la garaaco, la faraxumeeyo halka qaarkoodna la khaarijiyay.

Tahriibayaasha Liibiya oo lagu qabso in ay beeraha ka shaqeeyaan Waxaa la sheegayaa in qalalaasaha ka taagan Liibiya ay u fududeysay shabakadaha inay u hwolgalaan si fudud.

Libya ayaa waxay xudun u tahay meelaha dadka soogalootiga ah ay rajeeyaan in ay ka gudbaan badda meditraniyaanka marka ay u socdaa Yurub.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:36 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada