Qof kasta ha aqriyo Qisadan, gaar ahaan Ardayda Qalin jabisay ee Shaqo doonka ah..

Qof kasta ha aqriyo Qisadan, gaar ahaan Ardayda Qalin jabisay ee Shaqo doonka ah..

daajis.com:- Wiil dhalinyaro ah ayaa shaqo Maamule shirkad weyn ka codsaday. Wuxuu interview u soo hor fariistay Agaasimihi Guud oo CV-gisa ka ogaaday in natiijada waxbarashadiisi sareysay. Wuxuu weydiiyay in Aabihii Schoolka ka bixin jiray? Wuxuu ku jawaabay, Maya Hooyadey baa iga bixin jirtay.

Agaasimihi ayaa weydiiyay, “Xagee ka shaqeysaa”
Wiilki ayaa ku jawaabay “Dharka ayay dhaqi jirtay”
Wuxuu yiri, weligaa hooyadaa ma ku caawisay inaad dharka la dhaqdo?
“Maya, iyadaa si dhaqso ah u dhaqi jirtay, anigana inaa wax barto ayay rabtay.”
Agaasimihi wuxuu ka codsaday inuu guriga markuu aado maanta Hooyadii gacmaha u dhaqo, ka dibna subixi ku soo noqdo.

Wiilki wuxuu dareemay inuu shaqada helayo haduu sidaa sameeyo. Markuu gurigi gaaray ayuu Hooyadii weydiiday inuu gacmaha u dhaqo. Iyadi oo yaaban hadana faraxsan ayay tiri OK . Wiilki wuxuu bilaabay inuu gacmaha Hooyadii dhaqo, Ilin ayaa ka qubatay. Waa marki ugu horeysay uu ogaaday in gacmaha Hooyadii ay dil-dilaac & duuduub badan ku yaalaan, Nabarada qaarkood waxay ahaayeen kuwa xanuun leh oo Hooyadii damqaneysay markuu taabto.

Waa marki ugu horeysay uu ogaado in Gacmahan ay yihiin kuwi dharka dhiqi jiray maalin kasta si ay isaga waxbarashada uga bixiyaan. Wuxuu maalintaa dhaqay dharki u harsanaa oo dhan.

Habeenkaa wiilki & Hooyadii wax badan ayay wada hadleen.
Subixi dambe markuu Xafiiski ku noqday, Maareeyihi wuxuu dareemay ilmada indhaha wiilka ku joogtay. Wuxuu weydiiyay waxa uu sameeyay soona bartay shalay?

Wiilki: “Waxan dhaqay gacmaha hooyadey & dharki oo dhan. Waxaan ogaaday dhibka hooyadey qabtay si ay mustaqbalkeyga u dhisto. Iyada la’aanteed heerkaan ma soo gaareen. Waana muhiim qof kasta inuu qoyskiisa caawiyo”

Agaasimihi guud ayaa ku yiri, “Tani waa waxa aan ka raadinayo Maamule. Waxaan rabaa inaan shaqaaleeyo qof ka maqsuuda caawimaada dadka kale, qof garanaya dhibaatada & silica dadku qabaan si ay hawl u qabtaan nololna u sameeyaan, Qof aan Lacag inuu helo ama ururusado ka dhigan Hadafka keliya uu leeyahay Nolosha.”

“Waa lagu Shaqaaleeyay”
Ninki dhalinyarada wuxuu bilaabay shaqadiisi cusbeyd, wuxuu u shaqeeyay si adag, wuxuuna helay xushmada kuwi ka deraja hooseeyay & kuwi ka sareyay. Shaqaalaha waxay hawsha u qabteen si hawlkarnimo & isku duubni. Waxqabadki Shirkada sare ayuu u kacay.
Marnaba ha hilmaamin dhibti lagaa soo maray, sidi waalidkaa waxbarashada kaaga soo bixiyeen. Waxa keliya aad ugu abaalgudi karto waa inaad sameysaa wixi ay kaa rabeen oo ah inaad meel ka soo baxdo, ciyaar aadan gelin, waqtiga aadan bilaa micne ku lumin. dhexda aad xirato, halgan nolosha ah aad gasho.
Allaha tuso waalid badan caruurtoodi oo wixi ay ka rabeen iyo riyadoodi u rumeeyay.

Share – La Wadaag Asxaabtaada

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada