Daawo: Masar oo Saldhig Balaadhan oo Ciidan kaheshay Eratria iyo Itoobiya oo Wefdi deg dega u dirtay Masar

Daawo: Masar oo Saldhig Balaadhan oo Ciidan kaheshay Eratria iyo Itoobiya oo Wefdi deg dega u dirtay Masar

daajis.com:- Kadib markii uu soo baxay saldhig Milateri oo ciidamadda Masar lagu soo daabulayo dalka Eratriya ayaa wafti wasiiro ah oo uu horkacayo wasiirka arimaha dibada Itoobiya Workneh Gebeyehu ka degay dalka Masar,waxaana uu si toosa wadahadal ula yeesheen wasiirka arimaha dibada Masar Sameh Shoukry iyo Madaxwayne Sisi.

Waftiga Itoobiya ayaa warbaahinta Masar fariin toos ah uga gudbiyay shacabka Masar sheegayna inay waligeed Itoobiya Cadow ku ahayn Masar isla markaana biyo xidheenka Itoobiya dhaawacaynin shacabka iyo dalka Masar,waxaan diyaar u nahay inaan inigala shaqayno in aan iniguqancino talaabo kasta oo labada dal iskusoo dhawaynaya horumar keenaya ayuu wasiirka arimaha dibada Itoobiya shacabka Masar warbaahinta uga gudbiyay.

Socdaalka waftiga Itoobiya ayaa lagu sheegay mid lama filaan ahaa kadib markii Itoobiya kacdoonka dalkeeda ku eedaysay dawlada Masar kuan sheegtay shirqool shisheeye usoo maleegeen.


Dhanka kale wargaysyada Carabta iyo Sudantribune ayaa cadeeyay in Masar saldhig milateri ka heshay dalka Eratria Sucuudiga iyo Emaratkuna ka caawiyeen,isla markaana guul u tahay in Masar danaheega ka ilaashato wadanka Eratria taasi oo cabsi iyo walwal baaxad leh ku abuurtay Itoobiya oo imika bilowday inay baryoontanto oo Masar isku daydo inay la heshiiso.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada