Sawiro: Muxuu yahay qalabka cusub ee lagu soo kordhiyey dakadda Muqdisho?

Sawiro: Muxuu yahay qalabka cusub ee lagu soo kordhiyey dakadda Muqdisho?

daajis.com:- Dakadda Muqdisho oo ah isha ugu weyn oo ay dowladda Soomaaliya ka hesho dhaqaalaha ayaa lagu soo kordhiyey qalabka cusub oo  casri ah kaasoo loogu talagalay in lagu baaro waxyaabaha kasoo dagayo.

Qalabkaan cusub ee lagu soo kordhiyey Dakadda Muqdisho ayaa lagu magacaabaa Port Scanning Service waxaana hirgelisay shirkadda M.T.C oo ah shirkad si gaar ah loo leeyahay, welina qalab noocaan oo kale lagama hirgelin Dakadda Muqdisho.

Shaqada uu qaban doono qalabkaan ayaa ah   xaqiijinta Badeecada Dekeda ka dhoofaysa ama ka soo dagaysa, hubinta waxyaabaha Aminga khatarta ku ah, Fududayta Socodka Badeecada, Kor u qaadista Dakhliga iyo Xaqiijinta bayaanada badeeooyinka, wuxuuna fududeyn doonaa dhibaatadii lagu qabay baaritaanka waxyaabaha dakadda laga soo dajiyo iyo kuwa laga dhoofiyo.
Qalabkaan cusub ayaa waxaa si rasmi ah xariga uga jaray Maxamed Abuukar Islow oo ah  wasiirka Wasaaradda Amniga Xakuumadda Soomaaliya , waxaana sidoo kale halkaas laga furay xafiiska amniga loogu tagalay.
Sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa  wasiir ku Xigeen Wasaarada Dekedaha iyo Gadiidka Badda Cismaan Maxamed Daallo, Maareeyaha Dekeda Muqdisho Axmed Washington iyo Maamulka shirkada Al-beyrak.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada