Waa Maxay Sirta Ka danbeyso Guul Darada Soo Wajahdo Lamaanaha Xad-dhaafka Isku Jeceyl..?

Waa Maxay Sirta Ka danbeyso Guul Darada Soo Wajahdo Lamaanaha Xad-dhaafka Isku Jeceyl..?

daajis.com:- Dhamaan akhristayaasha shafarta badan, waxaan halkaan idin ku soo gudbinayaa talo aad u muhiinsan oo qusaysa lamaanaha is jecel ama midkood wax jecelyahay.

Hadaba sida uu yahay ciwaanka anigoo ka duulayo waxa aan si kooban idinka siinayaa tusaale iyo talo intaba.

1- Kafiirso la aanta hadalada qaarkood.
Waxa jira lamaane wax walba oo dhax mara jecell in uu u sheego ama kula kaftamo saaxiibadiisa, taasina u keento dhibaatooyin uu ku waayo qofka uu jecelyhay.

2- Aqoon darida xiliyada ugaarka ah haweenka oo aadan wax waliba kula hadli karin. Tusaale marka ay ku jiraan xiliga caadada iyo walaca.

3- In aad yeelato sadaxeeye.

4- In aad caadaysatid in aad ku dacweyso lamaanahaada qof uu ka heybeesanaayo sida waalidka iyo saaxiibkiis.

Sidee ayaad uga guuleesan kartaa guuldarada?
– In aad ka adagtahay carabkaaga oo aad ilaalinkarto
– In aad daristid oo aqoon uyeelataa lamaanahaaga
– In aad ku kalsoonaatid wax idinka dhaxeeya lamaanahaaga oo aad iska ilaaliso in qof kale idin soo kala dhex galo.

Tusaal ahaan marna ha noqon qof aad u sheegasho badan, siiba ha u sheegan dadka kale waxa aad qabto, waxay ahaadaanba u sheego lamaantaada, iskuna day in aad ahaato mid u daacad ah si aad u gaartid guulaha aad higsanayso.
Dhamaan qodabadaasi iyo wax aalaale wixii lamid ah ee uu qofku kaga digtoonaan karo ama uu guusha ku gaari karo waa in uu raadiyaa, si uu u hanto Lamaanihiisa. Waxaan si gaar ah ula dardaarmayaa lamaanaha caadeestay in ay kasheekeeyaan wax walba oo dhaxtaagan ama dhaxmara. Waa arin aad u fool xumo badan.

Hadii ay tahy dhaxdhaxaadin oo aad isqabateen lamaantaadii waa mid mudan in aad u la tagto qofka aad u argto in uu wanaagiina ka shaqeenayo. Hasa ahaatee waa in ayna so noqnoqon oo aad garataa meesha uu kaajiro iyo sida aad ula dhaqmaysid qofka nolosha kula wadaagaya.

Sidoo kale waxaa mudan in uu qofka carabkiisa ka ilaaliyo calaacalka badan ee sheegashada iyo dulqaad darida ka muuqata ee aad dareensiinaysid lamaanahaaga ama lamaantaada.

Guusha ugu weyn ee aad carabkaada kagaari karto waa in aad aqoon dhan walba ah u yeelataa jacaylkaaga, ogawna jacayl waliba waa beer, nin walibana waa sida uu u wanaajisto una beerto.

Gabagabadii hadalku wa inta uu afkaaga ku jiro, haduu soo baxo marna ma xukumi kartid, waxaana laga yaabaa in uu qalad kaa dhaco. Sidaa darteed ayaa hadalyaraanto u tahay mid faa’iido badan lah.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada