Daawo: Madaxda maamulada dalka oo DF-Somalia u yeedhay iyo Qodobada la hordhigi doono oo Warbaahintu heshay

Daawo: Madaxda maamulada dalka oo DF-Somalia u yeedhay iyo Qodobada la hordhigi doono oo Warbaahintu heshay

daajis.com:- Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Muqdisho isugu yeertay Madaxda maamul goboleedyada dalka, iyadoo lagu wado inay La kulmaan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.


Wararka ayaa sheegaya in kulamadan looga hadlayo arrimaha shirka London iyo sidii dowladda Federaalka u hoggaamin laheyd shirkaas, Ilo dhinaca diblomaasiyada ayaa sheegaya in laga cabsi qabo inuu dhaco jiro is bar-bar yaac madaxda qaarkood ee ka qeyb galka shirka London.

Dowladda Federaalka ayaa dooneysa in shirka uu noqdo mid guud oo masiirka dalka looga hadlo, isla markaana dowladda Federaalka ay hoggaamiso, ayna ula tagaan hal ajande oo mid ah.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Britain ayaa lagu wadaa inay shir guddoomiyaan shirka London ee dhici doona bisha soo socota May.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:05 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada