Ahlusunna oo shuruudo kale oo lama filaan ah hor dhigtay farmaajo iyo galmudug iyo warar sheegaya..

Ahlusunna oo shuruudo kale oo lama filaan ah hor dhigtay farmaajo iyo galmudug iyo warar sheegaya..

daajis.com:- Sida la filaayay in Wada-hadallo  Magaalada Muqdisho ay uga furmaan Maamulka Galmudug iyo Ahlu Sunna islamarkaana garwadeen ka tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markale baaqday.

Dib u dhaca wada hadalladan ayaa la sheegayaa in uu yimid kadib markii Maamulka Ahlu Sunna ay sharuudo adag ku xireen in ay ka qeyb galaan, waxaana sharuudaha ka mid ah in gabi ahaanba la badallo astaanta iyo magaca Maamulka Galmudug.

Waxaana arrintaas ka hadlay Madaxweynihii hore ee Maamulka Galmudug Maxamed Axmed Caalim ayaa waxuu sheegay in taasi aysan dhibaato la heyn islamarkaana Madaxda Dalka looga baahan yahay in ay eegaan masiirka Shacabka Gobolada Dhexe.
Sikastaba, 30-ka bishan ayaa lagu wadaa in Magaalada Cadaado ay ka dhacdo doorashada Madaxtinimo ee Maamulka Galmudug kadib markii ay isku afgarteen Dowlada Federaalka iyo Madaxda Maamulka Galmudug.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada