Wasiirka Amniga iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo kormeer ku tagay degmada Dayniile

Wasiirka Amniga iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo kormeer ku tagay degmada Dayniile

daajis.com:- Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Abukar Islow (Ducaale) iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed oo ay wehliyeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka iyo Mas’uuliyiin ayaa maanta kormeer ku tagay degmada Dayniile.

Kormeerkan ayaa ahaa mid ay ugu kuur galayeen xaalada amni iyo mid bulsho ee ka jirta degmada Dayniile oo ah meel aana madaxda dowladda iyo mas’uuliyiinta kale deganeyn, sababo amni awgeed.

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa la kulmay qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool degmada Dayniile, isagoo ka dhageystay warbixino kala duwan.

Mas’uuliyiintan ayaa kormeer ku tagay Isbitaalka Dayniile oo ay ku jiraan bukaano kala duwan, waxaana Isbitaalkan la sheegay inuu qabo baahiyo kala duwan oo ay u balan qaadeen inay wax ka qaban doonaan.
Wasiirka Amniga iyo Guddoomiye Taabid ayaa ka qeyb galay munaasabad soo dhoweyn ah oo loogu sameeyay Hotel ku yaala Dayniile, halkaasoo markii dambe ay kula hadleen dadka deegaanka.

Bandhigga Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo uu ku sameeyay degmada Dayniile oo ay deegaan reer abtiyaashiis,  ayaa bilow u noqoneysa todobaad ay degmadaas marti gelin doonto Madaxda dowladda, sida Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha oo deegaankan u ah qoys iyo xigto.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:08 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada