Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Jubbaland oo laga Masaafuriyay Kismaayo

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Jubbaland oo laga Masaafuriyay Kismaayo

daajis.com:- Sida wararka aan ku heleyno Xildhibaan Cali Maxamed Guure, oo ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Jubbaland ayaa maanta laga soo Masaafuriyay magaalada Kismaayo.

Xildhibaanka ayaa la sheegayaa inuu Mooshin ka waday Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Jubbaland , sidaasina lagu soo masaafuriyay.

Waa markii ugu horeeyay oo mudane ka tirsan Baarlamaanka maamulka Jubbaland laga masaafuriyo magaalada Kismaayo oo xarun Kumeel gaar u ah maamulka Jubbaland .

Qaar ka tirsan xildhibaanada Jubblanad oo lasoo xiriiray Caasimadda Online ayaa arintaas ku tilmaamay inay tahay mid aan waafaqsaneyn sharciga, waxayna ugu baaqeyn Axmed Madoobe inuu arrinta wax ka badalo.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa dhawan kala fadhiga Baarlamaanka ka furay Magaalada Kismaayo, waxaana xilligaas dhacday inay buuq sameeyeen qaar ka tirsan Xildhibaanada Jubbaland oo ku kacsan Madaxweynaha.

Wixii warar ah ee arrintaas kusoo kororto waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah.

 

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada