Al-Shabaab oo fulisay xukun noociisa aysan fulin waayadan

Al-Shabaab oo fulisay xukun noociisa aysan fulin waayadan

daajis.com:- Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa goordhow fagaaro ku yaalla deegaanka Buq Aqable ee Gobolka Hiiraan, ku fulisay xukun dhagax ku dil ah.

Maleeshiyada ayaa xukunka ku fulisay nin lagu eedeeyay inuu gaystay fal kufsi ah, kaasi oo ay xukuntay maxkamada Maleeshiyada ee Gobolka Hiiraan.

Ninkaani dhagaxa lagu dilay ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Axmed Ibraahim Raagow, waxaana la sheegay inuu yahay 29 sano jir.

Maleeshiyadu waxa ay sheegtay in xukunka dhagax ku dilka ah uu ugu danbeeyay wakhti hore, balse uu iminka yahay mid u muuqanaaya inaan laga maarmin.

Sidoo kale Maleeshiyada ayaa toogasho ku dilay nin lagu magacaabo Yuusuf Cali Bajiin oo 22 sano jir ah, kaasi oo isagana lagu eedeeyay inuu qayb ka ahaa falka kufsiga ah.

Waxayna Maleeshiyadu sheegeen inuu Yuusuf ahaa askari ka tirsan ciidamada dowladda.

Dhinaca kale, fagaraaha dilka uu ka dhacay ayaa Shabaab waxa ay ka sheegeen labadan ruux in lagu soo qabtay hawlgal gaar ah oo ciidamada Shabaab ay ka fuliyeen Degmada Baledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada