Xildhibaan Fiqi oo qoray warqad cajiib ah “Aaway caddaaladdii madaxweyne Farmaajo ballan qaaday”

Xildhibaan Fiqi oo qoray warqad cajiib ah “Aaway caddaaladdii madaxweyne Farmaajo ballan qaaday”

daajis.com:- C/llaahi meeshii abaalmarin laga siin lahaa, si loo dhiirogaliyo kumanaanka dhallinyarada shaqaalaha dawladda ah, wuxuu daacadnimadiisaas ku mutaystay in shaqadii laga eryo, oo ay dhibsadeen madaxdii bankiga dhexe qaar ka mid ah.

Tan la yaabka leh waxey tahay in C/llaahi Qoslaaye ay isku dayeen madaxda Bankigu in si xaal-mastuur ah in shaqada looga eryo maadaama uu sir badan hayo asagoo loo yaboohay adduun badan, laakin wuxuu ka doorbiday in kiiskiisa caddaaladda uu horgeysto, uuna ku qanacsan yahay wixii uu sameeyey ee shaqada looga eryay in ay aheyd gardarro & cadaalad-darro, wuxuu maxkamadda sare ka furtay dacwo, muddo dhowr bilood ah ka dib C/llaahi dacwadii waa ku guuleystay, waxaana loo xukumay inuu shaqadiisii ku laabto iyo in magdhow la siiyo.

Wiil dhallinyaro oo cadaalad raadis ahaa oo dacwo socotay qiyaastii 6 bilood ka guulaystay garsoor aan ognahay sida xaalkiisu yahay iyo dadka dacwada uga soo horjeeda jeebkooda, waa la qiyaasi karaa waxa dhaqaale uga baxey & dhibka uu maray, balse waxay noqotay ayaandarro markii maxkamadda sare ay u diiday natiijadii xukunka dacwada si uu ugu laabto shaqadiisii, ayadoo mar kale loo soo jeediyey xaal-mastuur iyo xoogoo inta la siiyo in uu iska baxo.

Shalay ayey aheyd markaan soo qoray garsoorkii dalku wuxuu noqday “Ninkii xoog leh ayey xaajo u falantaa”. Arinta C/llaahi waa mid ka mid boqolaalka dulmane ee ku dhibban garsoor-xumada maxkamadaha dalka, haddii madaxweyne Farmaajo ballanqaaday cadaalad waxaan halbeeg uga dhigaynaa waxa uu ka qabto arinta C/llaahi Qoslaayo oo ay tahay in la siiyo billad DAHAB daacadnimo, ammaano, wadaninimo ah iyo in dhismaha garsoorka loo soo jeesto ayadoo isbedel dhab iyo garsoorayaal nadiif la keenayo.
Aniga iyo xildhibaanno kale oo dhowr ah waxaan u istaagaynaa in aan dhibbane C/llaahi Qoslaaye garab-istaagno isla markaana kiiskiisa daba-soconno illaa inta aan ka xaqiijinayno in uu shaqadiisii dib ugu laabtay.
Ugu danbayn Musuqa iyo cadaalad-darrada ay madaxda dawladda maalin walba la qaylinayaan in ay la dirirayaan asagoo nool nool ayuu xafiisyada dawladda fadhiyaa, haddii ay wax ka qabanayaan, haddii kale warkoodu wuxuu noqonayaa maaweelo & boolo-xoofto aan wax ficil ah lahayn.

W/Q: Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada