Ethiopia oo ka hadashay Booqashada Farmaajo ee magaalada Addis Ababa

Ethiopia oo ka hadashay Booqashada Farmaajo ee magaalada Addis Ababa

daajis.com:- Diplumaasi kasoo jeeda dalka Ethiopia oo ku sugan dalka Jabouti ayaa xaqiijiyay wararka sheegaya in Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo uu booqan doono magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia.

Diplumaasiga waxa uu xaqiijiyay in casuumada Farmaajo ay ug imaday Madaxweynaha Ethiopia , Mulatu Teshome oo ay kuwada hadleen khadka teleefanka.

Waxa uu sheegay in Farmaajo uu dhowr jeer ka biya diiday casuumaad uga imaaday Ra’isul wasaaraha dalkaasi, Haile Mariam Desline, balse uu ka gaabsaday ilaa uu ka helo casuumaada Madaxweynaha Ethiopia.

Diplumaasiga ayaa intaa raaciyay in Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llhi Farmaajo uu magaalada Addis Ababa ku nagaan doono muddo laba cisho ah.

Waxa uu tilmaamay in Farmaajo uu la kulmi doono Madaxweynaha Ethiopia , Mulatu Teshome iyo Ra’isul wasaaraha dalkaasi, Haile Mariam Desline oo ay kawada hadli doonaan Xiriirka labada dal, arrimaha Amniga iyo Siyaasada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu booqashada ku joogo magaalada Addis Ababa waxa uu la kulmi doonaa Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika.
Si kastaba ha ahaatee, booqashada Madaxweyne Farmaajo ee magaalada Addis Ababa ayaa ku soo beegmayso iyadoo Sarkaalka Ethiopian-ka ah ee Jeneral Gebre Heard uu dhawaan sheegay inuu Madaxweyne Farmaajo wax u dhimay Sharafta Ciiddanka Ethiopia.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada