Document halis ah: Waa kuwee dowladaha soo maleegay qorshaha Amniga Qaranka?

Document halis ah: Waa kuwee dowladaha soo maleegay qorshaha Amniga Qaranka?

daajis.com:- Shabakadda Caasimadda Online ayaa heshay Document muujinayo in dowladaha Ingiriiska iyo Mareekanka yihiin kuwa ka dambeeyo qorshaha dhawaan ay kala saxiixdeen dowladda dhexe iyo Madaxda Maamul Goboleedyada kaasoo loogu magac daray (Somali National Security artichecture).

Document ay heshay Caasimadda Online ayaa muujinayo qoraal ay ku saxiixan yihiin safiirada dowladaha Ingiriiska iyo Mareekanka Stephen Schwartz iyo David Concar kaasoo lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay dalabka qorshahaan u gudbisay labada dal, waxayna sheegeen in qorshahaan ay lagama maarmaan tahay in taageero looga helo Maamul Goboleedyada dalka si ay howsha u noqoto mid si wadajir ah looga qeyb qaato, waana midda keentay in dowladda Soomaaliya ay u yeerto Maamul Goboleedyada kadibna laga saxiixo qorshahaan.

Document-ga ayaa muujinayo in labada safiir ay Madaxweyne Farmaajo kala hadleen qorshahaan markii la doortay isagana uu ka aqbalay, waxaana la rajeenayaa in lagu soo gabagabeeyo shirka Soomaaliya uga furmayo dalka Ingiriiska 11 May 2017.

Labada safiir ayaa Madaxda Maamulka Goboleedyada, dowladda dhexe iyo taloyayaasha sare ee Madaxda dowladda Federaalka ku casuumay siminaar ka dhici doono Magaalada Nairobi ee dalka Kenya si qorshahaan warbixin looga helo la iskuna xiro dhincyada dowladda iyo Federaalka.

Markii ay soo shaac baxday in dowladda Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada dalka ku heshiiyeen qorshaha amaanka ee Somali National Security artichecture ayaa waxay arrintaas muran weyn ka dhex dhalisay Baarlamaanka Soomaaliya iyo dowladda, iyadoo ay ka hor yimaadeen Guddiga difaaca Baarlamaanka,  waxayna midaas keentay in si deg deg ah looga yeero  Ra’isulwasaarahe Kheyre inkastoo markii dambe lagu heshiiyey in la sameeyo qodobo asaasi ah iyo shuruudo adag ugu dambeyntii la hor geeyo Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.
Document-gaan ayaa muujinayo inay qorshahaan soo diyaariyeen dowladaha Ingiriiska iyo Mareekanka oo faragelin ku haayo Soomaaliya.

Haddaba halkaan hoose ka aqriso Document-ga \



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:32 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada