daajis.com:- Ciidamada Puntland ayaa ku qabtay gaari waxyaabaha qarxa sida iyo dadkii saarnaa gaarigan oo la doonayey in lagaliyo gudaha magaalada Boosaaso.
Ciidamada ayaa soo bandhigay qalab kala gedisan oo waxyaalaha qarxa ah iyo sidoo kale labo ruux oo lagu eedeeyay inay wateen ayna doonayeen in ay qaraxyo ka fuliyaan magaalada Boosaaso.
Qalabka saarnaa gaarigan oo ahaa kuwa waaweyn ee xamuulka qaada ayaa waxaa ka mid ah bambooyin, taarikooyin gaadiid oo laga isticmaalo Soomaaliland iyo Muqdisho ,isgaarsiin casri oo noocaya ay ciidamadu isticmaalaan ah iyadoo gaariga qalabkan ay saarnaayeen laga qabtay kantaroolka weyn ee magaalada Boosaaso.
Qaraxyada loo adeegsado gaadiidka ayaa ku soo badanayay deegaano kamid ah maamul goboleedka Puntland iyadoo maamulkaasi ay dagaalo kula jiraan ururada Alshabaab iyo IS.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 19:00 and have
, Published at