Daawo hanti dhawraha qaranka oo ka sheekeenaya cidda xilka ka qaadi karta

Daawo hanti dhawraha qaranka oo ka sheekeenaya cidda xilka ka qaadi karta

daajis.com:- Golaha wasiirada ayaa xil ka qaadis ku sameeyey Hanti Dhawraha guud ee qaranka Dr. Nuur Faarax Jimcaale kadib markii ay ilaaladiisa dil u geysteen wasiirkii Howlaha guud ee xukuumadda Cabaas Cabdullaahi Siraaji.

Hanti Dhawraha ayaa sharci darro ku tilmaamay xil ka qaadistii lagu sameeyey, wuxuuna tilmaamay in kaliya xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ay xilka ka qaadi karaan maadaama ay iyaga markii hore codka kalsoonida siiyeen.

Haddaba waxaan idiin soo gudbineynaa muuqaal ku saabsan Hanti dhawraha qaranka oo ka hadlayo waxyaabo badan oo ku saabsan shaqada uu qabto, sida uu u qabto iyo cidda xilka ka qaadi karto.

Bishii Agosto ee sanadkii 2016 ayaa wareysi uu Hanti dhowraha Guud siiyay Telefishinka Horn Cable ayuu ku cadeeyay in Baarlamaanka uu xasaanada kala noqonayo, isla markaana Madaxweynaha uu digreeto ku soo saarayo.

Baarlamaanka ayaa hadda fasax ku maqan illaa bisha July waxayna keeni kartaa xaalad jahwareer iyo caqabado dowladda soo wajaha oo ka dhasha xil ka qaadista Hanti dhowrka Guud.

Haddaba halkaan hoose ka daawo muuqaalkaan, wuxuuna cidda xilka ka qaadi karto kaga hadlayaa daqiiqadda 31 -aad ilaa 33-aad.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada