Video: Hailemarim: Anaga oo aan fasax ka qaadan DF lama hadleyno madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya

Video: Hailemarim: Anaga oo aan fasax ka qaadan DF lama hadleyno madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya

daajis.com:- Madaxweynaha Soomaaliya ayaa booqday dhawaan dalka Itoobiya halkaas oo uu kulan xasaasi ah kula qaatay Ra’isulwasaaraha Soomaaliya H.E. Hailemariam Dessalegn, wuxuuna kulankaas ahaa midkii ugu horeeyey ee dhex mara labada Mas’uul.

Haddaba labada Mas’uul ayaa markii ay wada hadleyn waxay saxaafadda la wadaageen qodobadii ay ku heshiiyeen, Caasimadda online ayaana xoogga saartay inay waxyaabihii ay labada Mas’uul saxaafadda u sheegeen kasoo qaadato qodobadii ugu muhiimsanaa, waxaana idinkaga soo dhignay Af-Soomaali , maadaama war saxaafadeedka ahaa mid ku baxay luuqadda Ingiriiska.

Qodobada aan warbixintaan uga hadli doono waa Hailemariam oo sheegay inaysan maamul Goboleedyada la hadli doonin iyagoo aan wax fasax ah ka heysan dowladda dhexe, waxaadna qodobkaas ka daawan kartaa muuqaalka hoose, gaar ahaan daqiidda 14: 45 – 16-30.

Ra’isulwasaaraha Itoobiya ayaa ka hadlay arrin maalmihii dambe ay dowladda Soomaaliya dhib weyn ku qabtay taasoo ay ka waday gudaha Maamul Goboleedyada dalka, kadib markii ay bilowday inay la macaamisho Maamul Gobleedyada iyadoo aysan wax war ah ka heyn dowladda dhexe.

H.E. Hailemariam ayaa Farmaajo hortiisa ka ballan qaaday inaysan dowladda Itoobiya marnaba diyaar u aheyn inay maamul Goboleedyada dalka la kulmaan lana hadlaan iyadoo aysan dowladda dhexe ka war heyn, isagoo ka dhawaajiyey inay Itoobiya kala tashan jirtay dowladdii Xasan Shiikh Maxamuud marka ay dooneyso inay la macaamilaan Madaxda Maamulada.

“ Anaga Dowlad Goboleedyada iskalama hadli jirin ee waxaan fasax ka heysanay dowladdii hore ee federaalka, marka anaga si toos ah ulama hadli jirin ayaga, dowladii hore ayaan weydiisan jirna fasax” ayuu yiri Hailemariam

“  Marka anaga si toos ah ulama hadli jirin ayaga, Dowladdii hore ayaan weydiisan jirna fasax, kadibna madaxda Maamul Goboleedyada ayaa noo iman jiray oo aan wixii aan rabno kala hadli jirnay”

“  Sidaa darteed fasax la’aanta dowladda federaalka, Itoobiya iyo dal kaleba ma ahan marnaba inay fara geliyaan soomaaliya. anaga xitaa federaal ayaa nahay mana ogolin in dal kale dowladaha federaalka uu la hadlo, anaga oo aan fasaxin, marka anagana sidaas dal kale kuma sameyn karnoi” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyey.

Dowladda Itoobiya ayaa tan iyo markii la doortay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo bilowday inay maamul Goboleedyada dalka ka jiro kala hadasho waxyaabaha ay ka doonayaan iyadoo aan fasax ka heysan dowladda dhexe.

Dowladda Soomaaliya ayaa culeys ku aragtaa arrintaas, waana midda keentay inuu Madaxweynaha booqdo dalka Itoobiya, wuuna kusoo guuleystay inuu Ra’isulwasaaraha kasoo saxiido heshiisyo badan oo ay midaan ka tirsan tahay.

Inkastoo heshiiskaas la galay, haddaba fullinta waxay ku xiran tahay dowladda Itoobiya maadaama ay tahay dowladda faragelinta ku heysay Soomaaliya, lamana qiyaasi karo haddii ay si dhab ah u fullin doonto iyo haddii kale.

Haddii ay dowladda Itoobiya fuliso ballanqaadkaas, waxaa dowladda dhexe u fududaan doonto inay xiriir wanaagsan la sameysato maamul Goboleedyada dalka maadaama ay markii hore Itoobiya sabab u aheyd inay isku dhacaan maamul Goboleedyada iyo dowladda dhexe.

Dowladda Itoobiya ayaa kamid ah dowladaha saameynta ku weyn ku leh Soomaaliya, waxaana AMISOM ka tirsan ciidamo ka tirsan Itoobiya, sidoo kalana waxaa joogo ciidamo kale oo aan AMISOM hoos tagtay  waxayna hadda bilowday inay kuwa aan howgalka Midowga Africa hoos tagin inay ka saarto dalka.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada