Maxkamadda Ciidamada oo u digtay Mas’uuliyiinta dowladda iyo Ilaaladooda

Maxkamadda Ciidamada oo u digtay Mas’uuliyiinta dowladda iyo Ilaaladooda

daajis.com:- Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada qalabka sida ayaa digniin u dirtay Mas’uuliyiinta dowladda iyo Ilaaladooda oo lagu eedeeyay inay qal qal gelin ku hayaan shacabka, xilliyada ay waddooyinka marayaan.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada qalabka sida G/sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay wixii hada ka dambeeya loo aqoonsan doono fal dambiyeed dhibaatada ay geysanayaan Ilaalada Mas’uuliyiinta dowladda.

“Marka loo fiiriyo fal dambiyeedyada dalka ka dhaca waa midka labaad dhibaatada shacabka loo geysto ee Ilaalada mas’uuliyiinta marka ay wadada marayaan qoriga ku fiiqaan amaba xabad ku ridaan”ayuu yiri G/sare Xasan Cali Nuur Shuute.

Waxaa uu sheegay in Mas’uuliyiinta ay qeyb ku yeelan doonaan dambiga, hadii ilaaladooda dhibaato u geystaan shacabka, isla markaana wax laga weydiin doono.

“Garsoorka waxaa uu u aqoonsanayaa inay tahay dhibaatadaas mid ku tala gal ah, ama ha noqoto xabad lagu difaacayo mas’uulka la ilaalinayo ama mid uu naftiisa u ku difaacayo, muwaadiniinta xaq ayay u leeyihiin inay wadada maraan, in xabad lagu rido si macno darro ah ma ogolaaneyno”ayuu yiri G/sare Shuute.

Waxaa uu ugu baaqay Mas’uuliyiinta dowladda in ilaaladooda iyo darawadlooda u sheegaan in wadada ay ku maraan nabadgelyo oo aan shacabka wadada maraya la qal qal gelin.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Darajada koowaad ee Ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in kiiska dilkii Wasiir Cabaas uu dhameystiran yahay, isla markaana loo haayo saddex askari, waxaa uu sheegay in baarista ay socoto, isla markaana Hanti dhowrka Guud wax laga weydiin doono arrintaas.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada