Shan xiddig oo Man Utd ah oo ay u badan tahay inuu Jose Mourinho nasin doono ciyaarta ay wajahayaan Arsenal

Shan xiddig oo Man Utd ah oo ay u badan tahay inuu Jose Mourinho nasin doono ciyaarta ay wajahayaan Arsenal

daajis.com:- Tababare Jose Mourinho ayaa xaqiijiyey inuu nasin doono tiro ka mid ah xiddigaha kooxdiisa Manchester United marka ay kooxdiisu wajahdo Arsenal kulan ka tirsan horyaalka England Premier League oo Axada la daawan doono.

Special One ayaa isha ku haya inuu isdhiibo isla markaana uu ka quusto loolanka afarta kaalin ee sarre ee horyaalka England Premier League, bedelkeedana wuxuu muhiimaddiisa ugu weyn isugu geyn doonaa hanashada koobka UEFA Europa League si ay kooxdiisu ugu soo baxdo tartanka UEFA Champions League xilli ciyaareedka soo aadan.

Ciyaartoyda Man United ayaa haatan si aad ah u dallan, Khamiistii waxay guul 1-0 ah kasoo gaareen kooxda Celta Vigo, waxaana goolkaas qeybtii labaad ee ciyaarta u dhaliyey Marcus Rashford, oo tababare Mourinho uu ciyaarta ka dib sheegay inuu dhaawac ku ciyaaray.

Mourinho ayaa sidoo kale saxaafadda u ballan qaaday in kooxdiisii ciyaartay Khamiistii uusan ciyaarsiin doonin Axada. Wuxuuna sheegay inay ciyaartoydiisu yihiin aadane daalan maadaama kulamo fara badan ay ciyaareen.

Hadda majaladda The Metro ee dalka England ayaa soo bandhigtay shan ciyaaryahan oo ay inta badan suurtogal tahay inuu nasin doono tababare Mourinho marka ay Axada booqdaan Arsenal ciyaarta ka dhici doonta garoonka FLY Emirates Stadium.

  • Paul Pogba – Xiddiga heerka caalami ee dalka France ayaa ciyaaray 2,565 daqiiqo oo horyaalka EPL ah xilli ciyaareedkaan, halka guud ahana uu ciyaaray 4,125 daqiiqo, waana midka ugu horreeya liiskaan isagoo dhawaan dhaawac kasoo laabtay. Michael Carrick ayeyna u badan tahay inuu booskiisa qadka dhexe qaadan doono.
  • Antonio Valencia – Daafaca dambeedka midig ee Man Utd ayaa ciyaaray 2,483 daqiiqo oo horyaalka EPL ah xilli ciyaareedkaan, halka guud ahaan uu ciyaaray 3,593 daqiiqo. Haddii Mourinho uu heli karo xiddig taam u ah inuu bedelo waxay u badan tahay inuu nasin doono xiddigaan.
  • Ander Herrera – Shaqsiga seddaxaad waa kubadsameeyaha reer Spain oo ciyaaray 2,359 daqiiqo oo ciyaaraha EPL ah xilli ciyaareedkaan, halka guud ahaan uu Man Utd u saftay 3,703 daqiiqo tartamada oo dhan. Sidoo kale wuxuu kusoo bilowday lixdii kulan ee ugu dambeeyey ciyaaraha horyaalka Ingiriiska.
  • Marcus Rashford – Weeraryahanka dhallintar ee reer England ayaa ciyaaray 1,644 daqiiqo oo horyaalka EPL ah xilli ciyaareedkaan, halka guud ahaan uu ciyaaray 2,836 daqiiqo tartamada oo dhan. Iyadoo uu ka dhaawacan yahay Zlatan Ibrahimovic, Mourinho kulankaan halis ma gelin doono taam ahaanshiyaha weeraryahankiisa.
  • Eric Bailly – Liiskaan waxaa ugu dambeeya daafaca heerka caalami ee dalka Ivory Coast kaasoo ciyaaray 1,790 daqiiqo oo ciyaaraha EPL ah ololahaan, halka guud ahaan uu ciyaaray 2,931 daqiiqo tartamada oo dhan. Axel Tuanzebe ayey u badan tahay inuu booskiisa daboolo kaasoo ka garab ciyaari kara Chris Smalling oo dib usoo laabanaya kulankaan.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:31 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada