Daawo: Madaxwaynaha Soomaaliya oo Gaaray Jabuuti iyo wuxuu kala Kulmay

Daawo: Madaxwaynaha Soomaaliya oo Gaaray Jabuuti iyo wuxuu kala Kulmay

daajis.com:-  Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray dalka Jabuuti,  Booqashada Madaxweyne Farmaajo oo ah mid rasmi ah ayaa noqoneysa tii u horeysay ee uu ku tago dalka Jabuuti.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa ka soo kicitimay dalka Sacuudiga, halkaasoo ay uga qeyb galeen shir madaxeedka madaxda dalalka Islaamka iyo Madaxweynaha Mareykanka, Madaxweyne Farmaajo ayaa la kulmay  Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa inta uu ku guda jiro Booqashadiisa waxaa uu khudbad ka hadleyso xaaladda dalka ka horjeedin doona Baarlamaanka Jabuuti ,sidoo kale waxaa uu ka qeybgali doonaa Xaflad uu Madaxweynaha Jabuuti uu ku daah furayo Dekad Cusub.

Jabuuti ayaa ka mid ah wadamada ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, kuwaasoo qeyb ka ah howl galka AMISOM.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:28 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada