Daawo:- Markaad dhageysato hadalkaan Axmed Madoobe mala dhihi karaa wuu iska casilay xilkiisa?

Daawo:- Markaad dhageysato hadalkaan Axmed Madoobe mala dhihi karaa wuu iska casilay xilkiisa?

daajis.com:- Shirkii jaaliyada Soomalida ee Dhowaan London ka dhacay ayaa Axmed Madoobe waxa uu ka sheegay inuusan gabi ahaanba aaminsanahay nidaamka Federaalka.

Dad badan ayaa markaasi isweydiinayaa haddii uu Axmed Madoobe aaminsanayn Federalism, isagu maxuu yahay, maamulka Jubbalandse maxuu yahay ?

Nidaam ahaan aduunka hadalka madaxweyne ka soo yeera waa sharci, Federaal ma aaminsani waa Anigana madaxweyne Jubbaland ma ihi…

Bal halkan ka eeg qodobada Dastuurka Jubbaland ee qeexaya nidaamka federaalka,

1- Dawlad Goboleedka Jubbaland waxaa lagu sameeyay Mabaadi’da aasaasiga ah ee awood qaybsiga Nidaamka Federaaliga ah.

Axmed Madoobe oo inta badan jilla nidaamka wadanaiyada oo aan qalbiga ka ahayn ayaa loo arkaa hadalkii London inuu ku fashilmay.

Baarlamaanka Jubbaland ayaa hadda wax iska weydiinayaa hadal axmed Madoobe ee ah inuusan aaminsanayn federaalka,

Amuurtani ayaa ka dhigan in dhaartii Axmed Madoobe iyo xilka uu hayaba uu qilaafay, isla markaasina uu afkiisa isku casilay oo uusan ahayn Madaxweyne Jubbaland maadaama uusan aaminsanay jiritaanka Jubbland,

Arrintaan waxaa tusaale ahaan loogu soo qaadan karaa is casilaadii uu sameeyey Ra’iulwasaarihii dalka Ingiriiska David Cameeron kadib markii ay bulshadiisa kasoo horjeesteen wixii uu jeclaa oo ahaa inuu ingiriiska kasii mid ahaado Yurub.

Shacabka Ingiriiska ayaa u codeeyey inay ka baxaan Midowga Yurub, wuxuuna David Cameroon ka dhaawajiyey inuusan ingiriiska sii maamuli karin maadaama wixii uu aaminsanaa la diiday in lagu dhaqo dalka.

“ Macquul iima ahaan inaan sii hayo xilka Ra’isulwasaaranimo, maadaama la diiday wixii aan aniga aaminsanaa, marka sidaan ayaa igu kaliftay inaan xilka iska casilo” ayuu yiri David Cameroon xilligii uu xilkaas iska wareejinayey.

Marka Axmed Madoobe waxay aheyd inuu si cad xilka isaga wareejiyo, maadaama uusan ku qanacsaneyn nidaamka uu ku dhisan yahay Maamulka Jubbaland.

Halkaan hoose ka dhageyso hadalka Axmed Madoobe


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada