DAAWO: Maxaa ka soo baxay Kulankii Dhexmaray Ra’iisul Wasaare KHAYRE iyo Habar-gidir ee Muqdisho ka dhacay

DAAWO: Maxaa ka soo baxay Kulankii Dhexmaray Ra’iisul Wasaare KHAYRE iyo Habar-gidir ee Muqdisho ka dhacay

daajis.com:- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka ah ee Soomaaliya  Xasan Cali Kheyre ayaa ka qayb-galey kulan lagu taageerayey Xukuumadda uu hoggaamiyo, waxaan ka soo qayb galay qaar kamid ah Golaha Wasiirada, Madaxwaynaha Maamulka Gal-mudug, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, Dhalinyaro iyo ururada Bulshada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka mahadceliyey xafladan lagu taageerayo xukuumadiisa waxuuna tilmamey inay ka turjumayso rabitaanka dawladnimada, maadaama ay bulshada Soomaaliyeed soo mareen dhibaato badan isla markaana u baahan yihiin Nabad iyo Nolol.  “Waxaan rabnaa mar walba in ay nala xisaabtamaan shacabka Soomaliyeed si ay u helaan waxey xaqa noogu leeyihiin taasoo ah dawladnimada, si aan u gudano shaqadeena”ayuu yidhi kheyre.


Kulankan oo ay qabatay beesha Habar gidir oo mudooyinkan wax ka tirsaneysay dowlada ayaa ugu dambeyn waxay beeshu shaacisay iney si buuxda u taageersan tahay xukuumada RW Kheyre, iyadoo la xaliyey mad-madowgii jiray.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada