Daawo: RW Khayre oo Maanta Booqday Goobaha ay ka dhacayaan Imtixaanada Dugsiyada Sare ee Dalka

Daawo: RW Khayre oo Maanta Booqday Goobaha ay ka dhacayaan Imtixaanada Dugsiyada Sare ee Dalka

daajis.com:-  Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa kormeer ku tagey qaar kamid ah Dugsiyada ay ka socdaan Imtixaanka Shahaadiga ah oo guud ahaan maanta dalka oo dhan ka dhacaya. Iyadoo ay soo diyaarisay Wasaaradda Waxbarashada ee xukuumadda Soomaaliya.


Ra’iisal Wasaare  Xasan Cali Kheyre oo weheliyo Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada  Cabdiraxmaan Cusmaan Daahir ayaa ugu horeyn tagey Iskoolka 15 May oo kamid ah goobaha lagu qaadayo Imtixaanka, wuxuuna boggaadiyey Ra’iisul Wasaaruhu sida habsamida ah ee u soconayo Imtixaanku. Iyadoo guud ahaan Imtixaankan ay geli doonaan 27,000 oo arday kuwaas oo ku kala sugan Gobollada dalka.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa waxa uu sheegay in bulsho waliba oo gaartay horumar dhalinyaradeedu horseed u yihiin, sidaas awgeedna loo baahan yahay in la horumariyo Waxbarashada dalka, si looga gudbo dib-u-dhaca iyo bur-burka ragaadiyey dhalinta Soomaaliyeed.

Ammaanka goobaha ay imtixaanadu ka dhacayaan ayaa aad loo adkeeyay iyadoo ciidamo badan ay sugayeen ammaanka.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:35 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada