Diyaaradaha Dron’ska oo Loogu Deeqay Booliska Soomaaliya (SAWIRRO)

Diyaaradaha Dron’ska oo Loogu Deeqay Booliska Soomaaliya (SAWIRRO)

daajis.com:- Booliska Soomaaliya ayaa helay markii ugu horeysay dayuuradaha qumaatiga u kaca ee drones-ka loo yaqaan.

Sarkaal ka tirsanaan jiray sirdoonka dalka Mareykanka oo lagu magacaabo Brett Velicovich ayaa Wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in diyaaradahan oo shan ah ay ugu deeqeen booliska Soomaaliyeed si ay ugu adeegsadaan la dagaalanka kooxaha argagixisada.



Diyaaradahan ayaa la sheegay inay booliiska ka caawin doonaan la socodka shirqoollada ay maleegaan kooxaha argagaxisada ah, sidii sawirro looga qaadi lahaa goobaha ay weerarada ka gaystaan.

Qaar kamid ah Saraakiisha booliska ayaa hadda loo tababarayaa sidii ay isticmaali lahayeen dayuradahan casriga ah oo dhinaca sahminta iyo baaritaanada loo adeegsado.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada