Dowladaha Suudaan iyo Masar oo xiisad ka dhex-bilaabatay.

Dowladaha Suudaan iyo Masar oo xiisad ka dhex-bilaabatay.

daajis.com:- Dowlada Sudan ayaa Salaasadii shalay shaacisay in dalkeeda ka mamnuucday dhamaan khudaarta iyo Xoolaha looga keeno wadanka ay jaarka yihiin ee Masar.

Xukuumada Sudan weli faah faahin rasmi ah kama bixin sababta go’aankan ka danbeysa, waxaana loo sheegay shirkadaha Sudan ee sida gaarka ah loo leeyahay in khudaarta ay soogaliyaan iyo waliba xoolaha ay si toos ah uga soo gataan wadamada asalka ah ee aan lasoo marsiin wadanka Masar.

Sudan ayaa khudaarta ugu badan iyo adeega kale ee xoolaha kala imaan jirtay dalka Masar, balse muddooyinkii danbe waxaa sii xumaanayey xiriirka labada wadan ee Carabta ah.

Khartuum ayaa la rumeysan yahay inay ka careysan tahay canshuuraha Masar saarto shirkadaha laga leeyahay Sudan iyo waliba Masar oo ku adkeysa fiisooyinka dal ku gala ah shacabka Sudan.

Waxaa arrintan usii dheer carada Xukuumada Khartuum oo horey ugu eedeysay Xukumada Cabdifatax Al Sisi ee Masar inay si hoose u taageerto jamhado mucaarid ku ah dowlada Cumar Al Bashir ee Sudan. Labadan dal ayaa sidoo kale isku heysta dhul saaran xaduuda u dhaxeysa wadamadaas.

Dowlada Sudan ayaa sidoo kale dib u dhigtay safar uu Wasiirkooda arrimaha dibada ku tagi lahaa Qaahira todobaadkan, isagoona u bixi lahaa si loo xaliyo murranka u dhaxeeya labada dal.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada