Gabar xubinka taranka mindi ugu jartay wadaad diineed kufsaday

Gabar xubinka taranka mindi ugu jartay wadaad diineed kufsaday

Daajis.com:-Gabadh Hindi ah oo 23 jir ah ayaa xubinka taranka ka jartay nin dadka bara diinta Hinduuga oo ku sugan gobolka Kerala ee ku yaalla dhanka koonfureed, iyada oo ku eedaysay in uu muddo sanado ah kufsan jiray.

Booliiska ayaa sheegay in ninka laga shakisan yahay oo lagu magacaabay Gangeshananda Theerthapada uu guriga gabadha tagi jiray si uu ugu duceeyo aabaheed oo xannuunsan.

Hooyadeed ayaa rajaynaysay in ninkan oo iska dhigay nin barakaysan uu ka caawin doono dhibka qoyska haystay.

Laakiin arrintaas badalkeeda gabadheeda ayaa sheegtay in uu tacdi u gaysan jiray fursad kaste oo uu ku helo.

Habeenimadii Jamcaha ayay gabdhu la soo booday mindi oo ay weerartay markii sida lagu eedeeyay ninku uu isku dayay in uu kufsado, ka dibna iyada laftirkeeda ayaa booliiska u yeertay.

Ninkan lagu eedeeyay kufsiga ayaa loola cararay Isbitaalka Thiruvananthapuram Medical College si qalliin degdeg ah loogu sameeyo.

Isbitaalka oo war qoraal ah soo saaray ayaa sheegay in Isbitaalka la keenay nin 54 jir ah oo uu ka laadlaado xubinka tarankiisa oo la jaray boqolkiiba 90, aysanna jirin si loogu celin karo.

Dhakhaatiir ku takhasusay kaadimareenka iyo qalliinka oogada jirka ayaa qalliin degdeg ah ku sameeyay si ay u joojiyaan dhiigii ka daadanayay una suurtagaliyaan in uu kaaji karo.

Taliye xigeenka booliiska Arul B Krishna ayaa wargayska The Times of India u sheegay in gabadha aabeheed uu sanado badan ahaa bukaan sariir yaalla.

Wuxuu sheegay in gabadhu ay hooyadeed la xiriirisay tacadiga loo gaystay lagana yaabo in hadda lagu soo oogo dawcado la xiriira in ay ku guuldarraysatay in ay dhibkan ku wargeliso booliiska.

Gabadha yar ma rajaynayso in lagu qaado faldambiyeed. Wasiirka koobaad ee gobolka Kerala Pinarayi Vijayan ayaa ammaanay geesinimada gabdha. Dadka ka mudaaharaada tacadiyada galmada la xiriira ayaa markaste ku baaqa in dil lagu xukumo dadka kufsiga gaysta.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada