Hanti dhawraha qaranka oo sharci darro ku tilmaamay xil ka qaadistii lagu sameeyey

Hanti dhawraha qaranka oo sharci darro ku tilmaamay xil ka qaadistii lagu sameeyey

daajis.com:-Golaha wasiirada ayaa lagu dhawaaqay inay xilkii ka qaadeen Hanti dhawraha qaranka Nuur Faarax Jimcaale kadib markii lagu soo eedeeyey qodobada hoos ku qoran:

1- Guddiga Baaritaanka waday oo ugu horeyn dalbaday in xasaanada laga qaado, taasoo sababtay in xilka laga qaado

2- in isagoo Mas’uul ah aanu u gurman markii falku dhacay Wasiirkii la dilay, isla markaana marka dhibka dhacay uu gaarigiisa goobta ka dhaqaaqay.

3- Wareysigii uu siiyay Idaacada VOA oo lagu tilmaamay inay aheyd mas’uuliyad darro iyo inuu ka hor-dhacay baaristii socotay, kuna tilmaamay wixii dhacay inay ahaayeen askar is rasaaseysay, uuna Wasiirka ku dhintay qaab shil, sidaas darteedna Guddiga baaritaanka waday ay soo bandhigeen cadeymo muujinaya in hal xabad kaliya ay dhacday, oo aheyd tan lagu dilay Wasiir Cabaas.

4-in askariga dilka geystay oo ka mid ahaa Ilaalada Hanti dhowrka qoriga uu wax ku dilay uusan aheyn mid sharciyeysnaa, isla markaana qorigiisa uu meel kale jiray.

Haddaba Hanti dhowrihii Guud ee Qaranka ayaa ku gacan seyray xil ka qaadis ay ku sameyeen Golaha wasiirada oo shir ku yeeshay magaalada Muqdisho, Isagoo la hadlay warbaahinta Muqdisho ayuu sheegay in xil ka qaadista kasoo yeertay Golaha Wasiirada ay sharci darro, iyaduna aanay xilka u magacaabin, kana qaadi karin.

Wuxuu tilmaamay in markii hore ay codka siiyeen  Baarlamaanka Soomaaliya, haddana Baarlamaanka kaliya uu xilka ka qaadi karo.

Wuxuu tilmaamay ninkaan oo heysto dhalashada Mareykanka in markii hore lagu soo doortay xulasho laga fiirsaday isla markaasna uu ka madax banaan yahay awoodda fulinta.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 07:39 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada