Jawaari oo sheegay in Xildhibaanada BFS ay uga baxeen ballan ay wada gaaren

Jawaari oo sheegay in Xildhibaanada BFS ay uga baxeen ballan ay wada gaaren

daajis.com:- Guddoomiyaha baarlamaanka 10aad Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa shaaca ka qaaday in Xildhibaanada baarlamaanka ay uga baxeen ballan ay wada galeen.

Jawaari waxa uu sheegay in Xildhibaanada ay galeen fasax labo bil ah, waxa uuna tilmaamay in ballanka uu ahaa in mudada lagu guda jiro fasaxa ay booqdaan deegaanada laga soo doortay.

Jawaari waxa uu sheegay in Xildhibaanada gaaray magaalada Nairobi laga doonaayay inay gaaran caasimadaha iyo deegaanada laga soo doortay, balse ay u baxeen safaro aan leysla ogeyn.

”Fasaxa Xildhibaanada sida loo qorsheeyay uma dhicin waxa uu ballanku ahaa inay gaaran deegaanada laga soo doortay”

Jawaari waxa uu tilmaamay in Xildhibaanada BFS laga doonaayo inay booqdan Caasimadaha Gobolada laga soo doortay, waxa uuna nasiib darro ku tilmaamay in howlihii loo igmaday ay ka doorbidaan danahooda gaarka ah.

Jawaari waxa uu sidoo kale sheegay inay jiraan Xildhibaano fuliyay ballanka, waxa uuna cadeeyay in Xildhibaanadaasi ay gaaren magaalooyinka Baydhabo, Garoowe, Boosaaso iyo Kismaayo.

Jawaari waxa uu sidoo kale difaacay Xildhibaannada qaar oo isla golahaasi ka tirsan oo tababar u aaday magaalada Kampala ee dalka Uganda waxa uun cadeeyay in tababarkaasi lagu baranaayo dib u egista Xeer- Horsaadka golaha shacabka.

Sidoo kale, Xildhibaannada ugu badan ee aan gaarin deegaanada laga soo doortay ayaa laga soo kala doortay Galmudug iyo Hirshabeelle, waxa ayna u badan yihiin Xildhibaanada iminka ku sugan magaalada Nairobi.

Geesta kale, Jawaari waxa uu carab dhabay in ballanka ay wada galeen Xildhibaanada uu ahaa in 15 maalmood ay Xildhibaannada joogaan deegaannadii laga soo doortay.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada