Jose Mourinho oo si khamar ah kula wareegaya mid kamid ah ciyaartooyda ugu dhaawaca badan dunida

Jose Mourinho oo si khamar ah kula wareegaya mid kamid ah ciyaartooyda ugu dhaawaca badan dunida

daajis.com:- Manchester United ayaa lagu soo waramayaa in ay si lama filaan ah ugu dhaqaaqday saxiixa xiddiga Borussia Dortmund Marco Reus Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Spain iyo Germany.

Jose Mourinho ayaa taageere weyn u ah Ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Germany, waxaana loo arkaa 27-sano jirkaan bedelka mudada dheer ee Wayne Rooney.

Reus ayaa xilli ciyaareed kale oo dhaawacyo ay carqaladeeyeen kujira, laakiin kooxdiisa ayaa u dagaalameysa weli afarta sare ee Horyaalka Germany.

Mourinho ayaa lagu soo waramayaa in uu si khamaar ah ku qaadan doono xiddiga 27-sano jirka ah kaasoo daris la ah dhaawacyo soo laalaabtay.

Marco Reus, ayaa muddo dheer lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Premier League, iyadoo kooxaha Liverpool, Arsenal iyo Chelsea ay muujiyeen xiisaha ay u qabaan xiddiga caalamiga ah ee dalka Germany.

Si kastaba ha ahaatee, welwelka taam ahaanshihiisa ayaa keentay in kooxahaan ay isaga haraan dagaalkii ay ugu jireen saxiixa Reus.

Tababaraha kooxda Manchester United Jose Mourinho ayaa doonaya inuu dhiso koox u tartami karta horyaalka Premier League xilli ciyaareedka soo socda , waxaana  Red Devils ay ubaahan tahay saxiixa 2-3 ciyaaryahan oo waa weyn.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada