Madaxweyne Farmaajo oo Maanta ka Qeybgalay Shir Horudhac u ah kan London (VIDEO)

Madaxweyne Farmaajo oo Maanta ka Qeybgalay Shir Horudhac u ah kan London (VIDEO)

daajis.com:- Madaxweynaha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta Magaalada London ee dalka Ingiriiska uga qeyb galay shir horudhac u ahaa midka maalinta berri ah ka furmi doona Magaaladaasi London.

Shirkan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka, Wakiilka gaarka ah Qarmada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Micheal Keating, Qurbajoogta Soomaaliyeed, Ururada bulshada Rayidka iyo xubno kale.



Shirkan ayaa waxa uu ujeedkiisu ahaa, sida ay qurbajoogta Soomaaliyeed ay uga qeyb qaadan karaan Hormarinta Dhaqaalaha dalk Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya midane, Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in la dhisi doono Hay’adda Qurbajoogta Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxa uu sheegay Masaxweynuhu in ay muhiim tahay in Qurbajoogta Soomaalida ay maalgashi ku sameystaan dalka si dhaqaalaha Soomaaliya uu sare ugu kaco.



Malinta berri ah oo Taariikhda ay ku beegan tahay 11-ka May ayaa waxaa Magaalada London ee dalka Ingiriiska ka furmaya shir la sugayay ee looga hadlayo arrimaha Soomaaliya, waxaana ka qeyb galaya wafdi balaaran ee uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya, iyo hogaamiyeyaal ka socda beesha caalamka.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 12:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada