Maraykanka oo Sharaxay askari looga diley Shabeelada Hoose (Sawiro+Akhri)

Maraykanka oo Sharaxay askari looga diley Shabeelada Hoose (Sawiro+Akhri)

daajis.com:-Wasaarada Gaashaandhigga Maraykanka ayaa shaacisay magaca askari  ka tirsanaa ciidamada gaarka ah ee loo yaqaan Navy SEAL kaasoo lagu diley deegaan ka tirsan gobolka Sh/hoose.

Askarigan ayaa magaciisa lagu sheegay Kyle Milliken waxana uu ahaa 38 sano jir ka soo jeeda Falmouth Maine kana soo dagaalamay wadamo kale. Milliken ayaa noqday askarigii ugu horeeyay ee Maraykan ah oo lagu diley gudaha dalka Soomaaliya tan iyo sanadkii 1993dii.

Dhowaan ayaa Madaxweyne Trump waxa uu amray in weeraro lagu qaado saldhigyada ay ururka Alshabaab ku leeyihiin dalka Soomalaiya. Hase yeeshee waxa ay saraakiil Maraykan ah ay sheegeen in howlgalka uu ku dhintey askariga Maraykanka ah ka mid ahayn amarka dambe ee uu Trump bixiyay.

Qoraal uu soo saaray Pentagonka ayaa lagu sheegay in ciidamo isugu jira Maraykan iyo Soomaali ayaa la soo weeraray kadib markii ay diyaarad helicopter ah ay ku tageen meel ku dhow saldhig leeyihiin Alshaab.

“Waxaan ka caawinay in diyaaradaheen aan halkaa ku geyno ,”ayuu yiri afhayeenka  Pentagonka Capt.Jeff Davis. “Annaga meel gadaal ah ayaan joognay inta uu howlgalku socday balse weerar ayaa naguyimid kaas oo sababay dhimashada askarigeena.”

Afhayeenka ayaa intaa ku daray in uusan jirin askari ka tirsan ciidamada dowlada Soomaaliya oo ku dhintey ama ku dhaawacmay howlgalka balse ay ku dhaawacmeen tarjubaan Soomaali ah iyo labo askari oo Maraykan ah.

Davis afhayeenka ciidamada Maraykanka ayaa sheegay in illaa konton askari oo Maraykan ah ay joogaan dalka Soomaaliya.
Hase yeeshee ururka Alshabaab ayaa soo bandhigay sawirada qalab kala gedisan oo muujinaya in laga lahaa dalka Maraykanka.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada