Qaabkee loogu kala guuleystay abaalmarinnadii lagu bixiyey Xafladda xilli ciyaareedka kooxda Chelsea?

Qaabkee loogu kala guuleystay abaalmarinnadii lagu bixiyey Xafladda xilli ciyaareedka kooxda Chelsea?

daajis.com:- Eden Hazard ayaa loogu codeeyey Ciyaaryahanka Sannadka Chelsea xilli ciyaareedkii soo idlaaday 2016 illaa 2017, waxaana codadkaas laga uruuriyey taageereyaasha kooxda hanatay koobka horyaalka England Premier League.

Xiddiga heerka caalami ee dalka Belgium ayaa qaab ciyaareed sarre kusoo bandhigay kooxda ka dhisan Stamford Bridge, wuxuuna soo bandhigay in aysan saameyn ku yeelan jabkii kooxda ku dhacay 12 bilood ka hor markaasoo ay kaalinta 10aad uga dhammeysatay EPL, halka isagu waqtigaas uu difacanayey billadda PFA Player of the Year.


Eden Hazard ayaa dhaliyey 16 gool 36 kulan oo horyaalka Ingiriiska ah oo uu u saftay kooxda tababare Antonio Conte. Sidaas darteed wuxuu N’Golo Kante oo loo doortay abaalmarinta PFA Player of the Year uga adkaaday billadda Ciyaaryahanka Sannadka Chelsea.

Hase yeeshee, Kante waxaa loogu codeeyey abaalmarinta Ciyaaryahanka Sannadka Ciyaartoyda Chelsea ka dib markii uu laba jeer oo xiriir ah ku guuleystay horyaalka Premier League isagoo ku sugan laba kooxood oo kala duwan.


Hazard ayaa sidoo kale ku guuleystay abaalmarinta Goolka Xilli Ciyaareedka Chelsea, waana goolkii cajiibka ahaa ee uu ka dhaliyey Arsenal. Halka kabtan John Terry la siiyey abaalmarin sharafeed gaar ah ka dib 22 sanno oo uu kooxdaan usoo adeegayey.


Chelsea ayaa Sabtidii guuldarro kala kulantay Arsenal finalkii FA Cup, halkaasna waxaa ku dhaafay fursad ay laba koob ku hanan laheyd xilli ciyaareedkaan, balse ka ciyaarista tartanka UEFA Champions League ayey kusoo laaban doontaa xilli ciyaareedka soo aadan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada