Ra’iisul wasaaare Kheyre oo la wareegay shaqadii Wasiirka Maaliyadda: Warbixin

Ra’iisul wasaaare Kheyre oo la wareegay shaqadii Wasiirka Maaliyadda: Warbixin

daajis.com:- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Ducaale Beyle kala wareegay Howlihii Wasaaradda Maaliyadda, iyadoo Wasiirka soo wajahday xaalad shaqo ka fariisin dadban

Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Maaliyadda ayaa isku qabsday maamulka Miisaaniyadda dowladda, taasoo Ra’iisul Wasaaraha ku adkeystay inuu maamulo, halka Wasiirka Maaliyaddana uu xaq u lahaa shaqadan.

Arrimaha la isku qabsaday ayaa waxaa ka mid ah:-

1- Qarash bixinta Miisaaniyadda dowladda, iyadoo Ra’iisul Wasaaruhu toos ula wareegay qarash bixinta mushaaraadka shaqaalaha rayidka, ciidamada dowladda iyo lacagaha howlaha Wasaaradaha lagu wado.

2- Dakhliga

A- Dar dar gelinta dakhliga ayaa qeyb ka ah kordhinta dakhliga soo gala dowladda, iyadoo markii hore miisaaniyadda dowladda ay aheyd 240,milyan, hadana laga dhigay 263 milyan, ayaa waxay qasbeysaa in la kordhiyo dakhliga dowladda, Ra’iisul Wasaaraha ayaa hor istaagay dar dar gelinta dakhliga dowladda, isagoo difaacay shirkadaha gaarka loo leeyahay ee gacanta ku haya howlaha dakhliga dowladda, sida Canshuurta iyo adeega ay dowladda qabato.

B- Canshuur dhaafka

Ra’iisul Wasaaraha ayaa la wareegay Canshuur dhaafka Wasaaradda Maaliyadda, taasoo uu sharciga sheegayo in canshuur dhaafka ay mareyso Wasiirka Maaliyadda iyo Agaasimaha Furdada.

Canshuur dhaafka ayaa loo sameeyaa hey’adaha aan dowliga aheyn, sida UN-ka, AMISOM, Bisha Cas, Safaaradaha iyo NGO-yada kale, taasoo uu xaq u leeyahay Wasiirka Maaliyadda, kaddibna ay marto Agaasimaha Furdada, isla markaana loo gudbiyo Maamulaha Furdada ee Wasaaradda Maaliyadda ee ku sugan Dekeda Muqdisho, sida uu qabo Sharciga Custom Low.

Arrinta ugu weyn ee ka dhalatay tallaabada uu qaaday Ra’iisul Wasaaraha ayaa aheyd, kaddib markii Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Ducaale Beyle uu amar ku bixiyay shirkadaha gaarka loo leeyahay ee qabta adeegyada bulshada in lacagaha ay ku soo shubaan Bankiga Dhexe, taasoo shirkadaha ay ashtako ahaan ugu tageen Ra’iisul Wasaaraha.

Shirkadahan ayaa ahaa kuwo qandaraasyo ay siisay dowladdii hore ee Madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana ay gacanta ku hayaan dhamaan adeegyada muhiimka ah ee dowladda bixiso, iyadoo Ra’iisul Wasaaruhuna mar kale u fasaxay inay shaqooyinkooda sii wataan.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Wasiirka Maaliyadda uu damacsanaa inuu shaqo ka fariisin  ku sameeyo shirkadaha gaarka ah, isla markaana dowladda la wareegto adeegyada, si lacagaha ugu soo xaroodaan Bankiga Dhexe.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa la sheegaa inuu saaxib dhow la yahay shaqsiyaadka ku lugta leh shirkadahaas oo ay ku jiraan xubno ka tirsanaa dowladdii hore ee Madaxweyne Xasan Sheekh, kuwaasoo xilligan saameyn weyn ku leh shirkadaha gaarka ee gacanta ku haya adeegyadii dowladda bixin laheyd.
Garyaqaanka Guud ee dowladda oo mar dambe arrintan soo fara geliyay ayaa ku eedeeyay Ra’iisul Wasaaraha inuu sharciga ku xadgudbay, isla markaana uusan xaq u laheyn maamulka miisaaniyadda dowladda, waxaana warqad uu u qoray Ra’iisul Wasaaraha ugu faah faahiyay ku dhaqanka iyo sareynta sharciga, iyo qaabka ay marto hab maamulka miisaaniyadda dowladda.

Isha Warka: Jowhar

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:54 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada