Sawirro: Canug cidiisa ay ka samreen oo iyagoo aan la fileyn nolol lagu korgeeyey

Sawirro: Canug cidiisa ay ka samreen oo iyagoo aan la fileyn nolol lagu korgeeyey

daajis.com:- Waa Qisadii noogu cajiibka badneeyd sagaalkii sano ee aan ku jirnay howlahaan ah isku geeynta qoysaska kala lumay.

Qisadan waxay noo noqon doontaa mid baaqi ku noqoneysa quluubteena noona siyaadineysa farxad, inagoo ka helnay inaan kusii dhiirano shaqadan.

Maalin Jimce ah abaare 8:00pm waxaa isgoyska shaqaalaha Magaalada Muqdisho Degmadda Waaberi, laga hellay wiil yar oo dayacan kaasoo heehaabayay laamiga. Wiilkan yar oo da’diisu lagu qiyaasay 5-6 ayaa si kedis ah uga haray toboneeyo caruur ah oo ay wada socdeen.

Nasiib wanaag waxaa gacanta ku dhigtay Gabar dhalinyaro ah oo wax ka taqaanay xuquuqda caruurta waxayna u damqatay wiilkan waxayna usoo qaady gurigeedda. Wiilka ma yaqaano meesha uu jooga mana garanyo meesha ayka jirto xaafdiisa, habeenkaas waxaa dhacday in gabadha ay seexiso gurigeedda iyadoo siisay casho wanaagsan.

Subixii ayey idaacdaha ka baafisay hase yeeshee wax jawaab ah ma helin, maalintii xigtayna waa ay haysay maadama cid raadineysa ama soo dalbata ay weysay, maalintiii xigtayna sidoo kale.

Intaa ka dib waxaa ay soo raadisay xafiiska Maternal Mercy & Development (MMD) Qeybta isku keenka dadka kala lumay reunification part iyada oo Idaacadaha ka maqashay in xafiiskaaasi in badan aad uga xeel dheer yahay arimahaasi sidan oo kale ah, markii naloo keenay wiilka ayaa waxaa inoo suurto gashay inaan ku wareesano jawi degan, anagoo adeegsaneyo xirfadaha loola dhaqmo caruurta sidan oo kale ah.

Wiilkii oo laga weysanaa wax war ah ayaa waxaa inoo suurto gashay inaanka helno macluumaad ku saabsan halka uu degan yahay hooyadiisa magaceedda, aabaha walaalihiisa IWM. Waxaan qaadanay go’aan maadaama uu lunsanaa canugan in ka badan 3 maalmood inaan gurigiisageyno anagoo raaceyno warbixinadii aan ka helnay.

Waxaan saarnay gaari iyadoo ay nala socoto gabadhii noo keentay,waxaana xor uga dhignay wiilka yar inuu eeg eego hareerihiisa, inta gaariga socdo wadada si uu u xsusuusto meelihii uu soo maray iyo deegaankiisa ah.

Si tariib tartiib ah ayuu usoo xusuusanayay wax walbo ilaa uu markii danbe gacanta noogu fiiqay meel looga leexdo xaafadoodda duleedka magalada Muqdisho meel u dhow ceelasha biyaha.

Gaarigii ayaan ka dejinay halkii uu farta noogu fiikhay ayaan abaarbay, waxaan daba soconay isaga oo si kalsooni leh u socda waxaana ugu danbeyntii dhacday inuu na geeyo gurigooda anagoo si aad ah u daalnay maadama aan lugeynayay in ka badan 6km laamiga ilaa gurigooda.

Markii aan u dhowaanay ayaa caruurta xaafada nagu soo yaacday iyagoo u marxabeynaya wiilka mudada maqnaa iyagoo qaylinaya kusoo yaacay, sidaana guri ka sameeysan cooshad ku galnay, waxaana mar qura oohin wada qabsaday reerkii iyagoo filan waa ku noqotay in wiilkoodda oo nabad qaba Albaabka kasoo galo.
Intaas ka dib ayaa Hooyadi dhashay & aabihiisa oo quursi taagnaa cuntana aan cunion intii wiilka maqnaa noo duceeyay iyagoo nagu amaanay howsha aan qabanay. Walwalka ugu daran ee hayayna waxa ay ahayd in dhowanahan warsuuqeedka ay ka maqleyeen in caruurta yar la iibsado oo kelyaha ama beerla lagala baxo.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 11:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada