Sawirro: Farmaajo oo shirkii ugu horeeyay uga qeybgalaaya magaalada Riyadh

Sawirro: Farmaajo oo shirkii ugu horeeyay uga qeybgalaaya magaalada Riyadh

daajis.com:- Madaxweynaha JFS Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta gaaray maaalada Riydha ee dalka Sacuudiga, halkaa oo ay kusoo dhaweeyen madax ka tirsan dowlada Sacuudiga.

Madaxweyne Farmaajo ayaa isla maanta ka qeyb galay shirka Madaxda dalalka Islaamka iyo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, oo ay marti galisay dowlada Sacuudiga.

Madaxweynaha ayaa tan iyo markii la doortay 8 Feb, 2017 magaalada Riyadh uga qeybgalay shirkii ugu horeeyay oo heer caalami ah, waxaana xusid mudan in saacadaha soo socda uu Madaxweynuhu khudbad ka jeedin doono shirka.

Shirka xoogiisa ayaa waxaa diirada lagu saarayaa iskaashi dhex mara labada dhinac, la dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisada, xagjirnimada iyo sidii maalgelin loogu lahaa la dagaalanka kooxahaas.
Madaxda shirka qeybta ka ah ayaa dhamaantooda ka mideysan la dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisada sida Al-qacida, Daacish iyo Al-shabaab iyo Boko Haram oo qeyb ka ah labada urur ee ku loolameysa barnaamijka Jihaadiga.
Madaxweynaha Somalia iyo Madaxda kale ayaa shir gaara la qaadan doona Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump marka uu soo dhamaado shirka.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 07:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada