SAWIRRO: Madaxwayne Farmaajo oo si wayn loogu soo dhoweeyay Qadar

SAWIRRO: Madaxwayne Farmaajo oo si wayn loogu soo dhoweeyay Qadar

daajis.com:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa Caawa si balaadhan loogu soo dhoweeyay magaalada Doha ee Dalka Qadar, Kadib Casuumad Rasmiya oo uu ka helay Boqorka dalka Qadar Sheekh Tamiim Bin Hamad Al Thani.

Safarka Wafdiga Madaxweynaha ayaa ku qotoma sidii dowladda Soomaaliya ay taageero amni iyo mid dhaqaale uga heli lahayd dalalka ay saaxiibada yihiin, waxaana la filayaa in maalinta Berri ah uu kulamo la qaataan Boqorka dalka Qadar iyo Mas’uulyiin kala duwan.

Safarka Madaxweynaha waxaa ku wehliya Wasiirrada Arrimaha Dibadda, Qorsheynta, Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga. Waxay iyagana la kulmi doonaan wasirrada dhiggooda ah.

Dhinaca kale Madaxwyane Farmaajo ayaa lagu Wadaa inuu Habayn danbe hadii alle idmo Kulan balaadhan la qaato Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Qadar.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada