Trump oo dhaqaalo Ethiopia ka heli jirtay USA ku wareejinaya dowladda Soomaaliya

Trump oo dhaqaalo Ethiopia ka heli jirtay USA ku wareejinaya dowladda Soomaaliya

daajis.com:-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay ka jari doonto dhaqaalo ay siin jirtay dowladda Ethiopia si ay ula dagaalanto ururka Al-shabaab.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in dowladda Ethiopia inaysan muuqan awood cad oo Al-shabaab kaga imaaneyso maadaama dhaqaalo badan lagu siin jiray la dagaalanka Al-shabaab.

Donald Trump ayaa sidoo kale Muujiyay sida ay muhiim u tahay in laga taxadaro dhaqaalaha lagu bixinaayo Al-Shabaab, isagoona balan qaaday in taageero buuxda la siin doonto Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed si ay ula dagaalamaan Al-Shabaab.

Ethiopia oo dagaal adag kula jirto Alshabaab gudaha Soomaaliya ayaa dhaqaalo badan ka heli jirtay dowladda Mareykanka, iyada oo ku heleysa magaca la dagaalanka Al-shabaab.
Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in Meesha laga saaray lacag dhan $150,000 oo Doollar ah oo uu mareykanka bilkasta u ku siinjiray Itoobiya dagaalka Al-shabaab.

Madaxweynaha Mareykanka wuxuu sheegay in lacagtaasi loo weecin doono dowladda Soomaaliya islamarkaana lagula dagaalami doono Alshabaab, sidoo kale wuxuu sheegay in lagu tayeyn doono ciidamada xooga dalka Soomaaliya.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:32 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada