VIDEO: Daawo goosgooska kulankii ay Arsenal guusha weyn ka gaartay Manchester United

VIDEO: Daawo goosgooska kulankii ay Arsenal guusha weyn ka gaartay Manchester United

daajis.com:- Arsenal ayaa garoonkeeda FLY Emirates Stadium guul 2-0 ah uga gaartay kooxda Manchester United ciyaar ka tirsaneyd wareegga 36aad ee horyaalka England Premier League, iyadoo dib usoo nooleysay rajadii ay ka laheyd usoo bixitaanka tartanka UEFA Champions League xilli ciyaareedka soo aadan.

Kulankaani wuxuu noqday mid taariikhi ah, tababaraha kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaana guushiisii ugu horreysay ee tartan rasmi ah ka gaaray macalinka lagu magacaabo Jose Mourinho kulankoodii 14aad ee ay foodda isdaraan kooxahoodu.
Tani waxay ka dhigan tahay in Arsenal oo haatan leh 63 dhibcood ay keliya laba dhibcood ka dambeyso kooxda kaalinta shanaad ee Man United, sidoo kale waxay lix dhibcood ka dambeysaa Manchester City, waxaana gacanta ugu jira laba kulan.

Goolasha Arsenal ee kulankaan waxaa dhaliyey Granit Xhaka iyo Danny Welbeck, halkaan hoose ayaadna ka daawan kartaa goosgooska iyo goolashii la iska dhaliyey kulankaan.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 05:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada