Taliyaha Booliska oo weli ku dhagan kiis uu ku helay Hanti dhowrihii xilka waayay

Taliyaha Booliska oo weli ku dhagan kiis uu ku helay Hanti dhowrihii xilka waayay

daajis.com:- Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa kiiska dilka ah loo heysto Hanti dhowrihii Guud ee xilka laga qaaday Nuur Faarax Jimcaale oo iminka la sheegay in laga saaray Xabsi guriga looga dhigay Villa Somalia.

Kiiska cusub ee lagu heysto Nuur Faarax Jimcaale ayaa soo ifbaxay kadib markii Mas’uulkaasi xilka laga qaaday lagu sameeyay baaritaan dheeri ah, waxaana la xaqiijiyay in kiiskaani cusub uu kusoo oogay Taliyaha Booliska Gen. Saacid oo qeyb ka ah baarayaasha kiiska.

Kiiskaani ayaa la sheegay inuu la xiriiro dafiraad uu sameeyay Hanti dhowrihii xilka laga qaaday kadib markii loo qabsaday dagaal gacan ka hadal ah oo dhexmaray Askariga loo heysto dilka Wasiir Marxuum Cabaas C/llahi Siraaji.

Askariga loo heysto dilka Wasiirka ayaa gaari uu lahaa Hanti dhowraha awood ku mariyay barkoontarool oo ay ku sugnaayen Ciidamada Booliska, waxaana halkaa Qoriga looga qaaday Askariga.

Taliyaha Booliska ayaa la xaqiijiyay in dhacdadaasi kadib uu Hanti dhowraha xilka laga qaaday lasoo sameeyay xiriir isagoo ku wargaliyay in ciidamada Booliska ay ilaaladiisa awood uga qaaten 2 qori nooca loo yaqaan AK47.

Taliyaha Booliska oo baaritaan ku sameeyay cabashada Nuur Faarax Jimcaale ayaa laga soo xigtay in laga beensheegay ciidamada Booliska isla markaana qoryaha laga qaatay ilaalada Nuur Faarax Jimcaale aysan aheyn 2 balse uu ahaa hal qori oo keliyah.
Taliyaha Booliska Gen. Saacid ayaa ku dooday in Nuur Faarax Jimcaale uu ka been sheegay dhacdada iyo baaritaanka socda, waxa uuna sidoo kale ku dooday in Nuur Faarax iyo ilaaladiisa ay u awood sheegteen ciidamada loo xilsaaray sugida amniga magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale, Taliyaha Booliska ayaa cadeeyay in kiiska gacan qaadka Nuur Faarax Jimcaale iyo ilaaladiisa ay qeyb ka yihiin xad gudub lagu sameeyay ciidamada amaanka waxa uuna danbiga noocaasi ah ku sheegay mid aan lagu xalinkarin fadhi oo keliya maadaama wax kama jiraan laga dhigay awooda ciidanka.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada