Daawo: Banaanbax ka dhacay Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab iyo Wasiir Siraaji Walaashii oo Luuqad adag ku Hadashay

Daawo: Banaanbax ka dhacay Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab iyo Wasiir Siraaji Walaashii oo Luuqad adag ku Hadashay

daajis.com:- Waxaa Xerayaha Qaxootiga DHADHAAB ee dalka Kenya ka dhacay Isku soo bax ay dhigeen Soomaalida ku dhaqan Halkaasi, iyagoo ka Hadlay Geerida ku timid Wasiirkii Howlaha Guud ee Soomaaliya Cabaas Siraaji oo dhowaan lagu dilay magaalada Muqdisho.


Qaar kamid ah dadkii Halkaasi ka hadlay ayaa ka waramaya Waxyaabihii uu Cabaas ku dhiiri gelin Jiray Cabaas Siraaji oo  a Wakhtigiisa ugu soo Badan Wuxuu kusoo Qaatay Halkaasi.

Maryam Cabdullahi Siraaji oo ah Gabadh ay Walaalo yihiin Wasiirkii Geeriyooday ayaa sheegtay in Ubixii ay soo beerteen laga Hormariyey, Xiligii ay doonayeen inay Midhihiisa Gurtaan,  “Xamar waxay Noqotay Qashin Qub, Ninkii Kabo La’aan ku socda Bir iyo Wax wax yeela ka Filayo, Waxaa Jooga dad waayeel ah oo Soo Barbaariyey, Soomaaliya magaceeda ma sheegan karo, Dawladda waxaan ka codsan inay Ninkii Diley Cadaalada la Horkeeno”.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada