VIDEO: Madax ka tirsan xisbiga Wadani ee Somaliland oo xabsi lagu xukumay

VIDEO: Madax ka tirsan xisbiga Wadani ee Somaliland oo xabsi lagu xukumay

daajis.com:- Xoghayihii waaxda dhallinyarada iyo Sportiga ee Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ee somaliland, Yoonis Axmed Yoonis, ayaa maanta maxkada gobolka ee Hargeysa ku xukuntay hal sano oo xadhig ah.

Ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee gobolka Hargeysa, Mawliid Cabdi, ayaa Idaacadda BBC u sheegay in Yoonis lagu helay denbi uu ku tilmaamay khalkhal gelin nabadgelyada iyo faafin warar been abuur ah.

Maxkamaddu waxay amartay in xabsiga laga sii daayo, Maxamed Sidiiq Cabdillaahi, oo ah gudoomiyaha garabka dhalinyarada ee xisbiga mucaaridka ee Waddani oo mar lala xidhay Yoonis Axmed Yoonis laba bilood ka hor.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 06:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada