Wasiirka Haweenka DF oo afganbi ku heysa awooda R/W Kheyre

Wasiirka Haweenka DF oo afganbi ku heysa awooda R/W Kheyre

daajis.com:- Warar dheerad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa xil ka qaadis lagu sameeyay Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka C/qani Sheekh Cumar.

Xil ka qaadista Agaasimaha ayaa waxaa ka taagan dood badan, kadib markii ay xil ka qaadistaasi ku dhaqaaqday Wasiirada Wasaarada Deeqo Yaasiin Xaaji Yuusuf oo aan khuseyn awooda xil ka qaadista.

Wasiirada ayaa xilkaasi u magacawday agaasime cusub xili wasiirada kale ay awoodi waayeen inay tallaabadan oo kale qaadaan.

Wasiirada oo adeegsaneysa awoodii loogu tallo galay Ra’isul wasaaraha ayaa waxa ay xilka agaasimaha guud ee Wasaaradeeda u magacawday Deeq Suleymaan Yuusuf oo hore u ahaa agaasimihii madaxtooyada Puntland.

Agaasimaha xilka laga qaaday ayaa waxaa horay loogu magacaabay Wareegto Ra’isul wasaare, waxa ayna boogtu tahay mid danqaneysa maadaama aan loo marin sharcigii loogu tallo galay xil ka qaadista Agaasimaha.

Awooda Wasiirada ayaa ku eg in Ra’isul wasaaraha dalka Xasan Kheyre ay la wadaagto talo soo jeedin xil ka qaadis agaasime, kadibna Ra’isal wasaaraha ayaa xil ka qaadis iyo magacaabidba ku dhaqaaqi kara, isagoo qadarinaaya soo jeedinta Wasiirka.

Wasiir Deeqa ayaa ka hordhacday Wareegtada ay xilka uga qaaday Agaasimaha waxa ay dhammaan howlwadeenada ku wargalisay inaysan la shaqeyn agaasimihii xilka laga qaaday.

Waxaa arrintaani sharciga u baahan iska indha tiraaya Ra’isul wasaaraha Xukuumada oo ay khuseyso, waxa ayna qeyb ka noqoneysaa sharciga dalka oo noqonaaya la jiifshaa banaan la joojiyaa banaan.

Dhinaca kale, waxa ay talaabada Wasiir Deeqa muujineysaa inay jiraan awoodo dheeri ah oo Xukuumadu siisay Haweenka.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada