Wiilka TRUMP Sodoga u yahay oo lagu dhegan yahay “wuxu doonayey khad sir ahoo uu Moscow kula xidhiidho (Video)

Wiilka TRUMP Sodoga u yahay oo lagu dhegan yahay “wuxu doonayey khad sir ahoo uu Moscow kula xidhiidho (Video)

daajis.com:- Warbaahinta Maraykanka ayaa sheegtay in wiilka madaxweyne Trump soddoga u yahay isku dayey in uu si sir ah xidhiidh ula yeesho Moscow dhawr bilood ka hor intii aan Trump ku guulaysan doorashadii.


Jared Kushner wuxuu doonayey in uu adeegsado qalab Ruushku sameeyo si aan Maraykanku u ogaanin xidhiidhka uu lalahaa Moscow, sidaana waxa sheegay labada wargeys ee Washington Post iyo New York Times.

Kushner oo ah la taliye sare oo ka tirsan Aqalka Cad ayaan isagu eedaymahan ilaa haatan waxba ka odhan.

Waxa la sheegay in isaguna ka mid yahay dadka ay FBI-du ku hayso baadhitaanka culus ee lagu hayo eedaynta ah in Ruushku farageliyey doorashadii Maraykanka si uu Trump ugu guulaysto.

Wararka ka imanaya Maraykanku waxay sheegayaan in baadheyaashu rumaysanyihiin in [wiilkaa madaxweynuhu sodogga u yahay] hayo xog loo baahanyahay laakiin aanu weli jirin shaki isaga laga qabaa oo aan wax dambi ah lagu tuhunsanayn.

Wararka ugu dambeeyey, ee laga soo xigtay saraakiil Maraykan ahi, waxay sheegeen in Kushner kala hadlay danjiraha Moscow u fadhiya Maraykanka, Sergei Kisylak, sidii ay u suurto geli lahayd in ay si qarsoodi ah ugu isticmaali lahaayeen marinada diblomaasiyadeed ee Ruushku ku adeegsado Maraykanka dhexdiisa.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:42 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada